Maxaa Ka Jira In Xil Loo Magacaabayo Wiil Uu Dhalay Injineer Yariisow?

Waxaa Maalmihii ugu dambeeyey aad loo hadal hayey in dowladda federaalka Soomaaliya ay xil u magacaabi doonto mid ka mid ah wiilasha uu dhalay duqii Muqdishi C/raxmaan Yariisow oo dhowaan dhintay.

Dadka qaar ayaa sheegayey in booska aabihiis loo dhiibayo, wallow aanay taasi suurtagal noqon karin xilligan, sababo jira awgood.

Warar kale ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Kheyre uu shaqo uga dhiibo xafiiskiisa maadaama weli ay qibrad dhanka maamulka ah ka maqan tahay.

Hooyada dhashay wiilasha Yariisow ayaa dhankeeda laga soo xiganayaa ineysan dooneyn in caruurteeda sii joogaan Muqdisho ama dowladda ay xil ka qabtaan.

Hadal heynta ugu weyn ayaa waxay tahay in xil loo magacaabayo wiilka Injineer Yariisow wallow aan la saadaalin karin waxa imaan kara.