Maxaa Ku Kallifay Madaxweyne Farmaajo Inuu Ku Dhaco Dabinka Cadawga Dalka?

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u codeeyey maalintii Isniintii April 12, 2021 in xilhaynta madaxweynaha loogu kordhiyo muddo labo sanadood oo kale ayaa waxay dhalisey walaac siyaasadeed oo dabada ku sita jahwareer diblomaasiyaseed oo keeni doona dib u dhac iyo khilaaf hor leh.

Dib u jalleecidda hore ee mooshinka barlamaanka waxuu u muuqday xeelad Golaha Shacabka uu ku maaweelinayo sal fududayaasha (digdiglayaasha) muxaafidka oo guulayay ama handadayay mucaaradka mowqifka adag. Balse talo waxay faraha ka siibatay markii madaxweynaha uu saxiixay qaraarka iyadoo aan laga tixgelin Aqalka Sare amaseba lagu xisaabtamin cawaaqibta ka dhalan karta.

Shan maalin ka hor ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u qortay warqad Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (QM) iyadoo u xaqiijinaysa: (1) In danta dalka ku saleysan tahay qabashada doorasho heshiis lagu yahay; (2) In xallinta khilaafka doorashooyinka lagu saleeyo heshiiskii September 17, 2020 iyo is-afgaradii guddiga farsamada Baydhabo ee February 16, 2021; (3) In amniga doorashooyinka qaranku uu hoggaamin doono Ra’iisulwasaaraha; iyo (4) In dowlado shisheeye ay ku hayaan faraggelin doorashooyinka dalka.

Mowqifka Dowladda Federaalka waxuu adkeeyay aragtida Golaha Amniga ee March 2021, taasoo adkaynaysa in shuruud lagu xirin xallinta khilaafka doorashooyinka laguna saleeyo heshiiskii September 17, 2020 iyo talo soo jeedintii Baydhabo ee February 16, 2021. Xikmaddu waxay ku jirtay in wadadahadallada ay qabsoomaan, lagana gudbo waqti luminta shuruudaha mucaaradka ama duritaanka sharciyadda DFS.

Haddaba su’aashu waxay tahay, maxaa Farmaajo ku qasbay in  si bareer ah u jebiyo qawaaniinta dowladnimada iyo Dastuurka dalka illeen madaxweynuhu iskuma heli karo inuu noqdo daafacaha iyo dumiyaha dastuurkee?

Soomaaliya waxaa in muddo ah lagu dhaqayay siyaasad laba wajiile ah (double track policy), taas oo simaysay Dowladda Federaalka iyo maaamul-goboleedyada amaseba Somaliland. Ujeeddadu waxay ahayd in dowladnimada Soomaaliyeed aysan dib u soo kabsan amase dalku noqoto mid u nugul in shisheeyuhu si sahlan u maasho.

Reer Galbeedka oo Guddiga Doorashooyinka Madaxabanaan ee Qaranka kala shaqeyneyay hirgelinta doorashada “qof iyo cod,” ayaa dhanka kale ka maalgelinayay Hay’adda Sahan si loo dhiiriggeliyo hanaanka doorashada dadban, taas oo ujeeddadeedu ahayd in luqunta iyo lugta la iskaga xiro Soomaalida. Waana tan maanta na haysata.

Dadka Soomaaliyeed badankooda ayaa qaba inay tahay lagama maarmaan in xukuumadda dalka aysan aslanba hayin u noqon quwad shisheeye oo aysan dayicin madaxbannaanida iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, balse taas ma aha in la tuuro turub (siyaasad) u muuqdo guul! Waxaa lagu dhacay dabinkii ama shirqoolkii cadowga Soomaaliya.

Siyaasadda cakiran ee doorashooyinka ma ahayn mid ay wadeen Deni iyo Madowbe keliya amase musharaxiinta mucaaradka waxayse ahayd mid gacmo jaan dabada ka riixayeen oo ujeeddadeedu ahayd in Dowladda Federaalka la daaliyo ilaa Farmaajo uu lumiyo shacbiyada dadweynaha amase laga horgeeyo saaxiibbada dalka (Mareykanka, Turkiga, Qadar iwm).

Farmaajo waxuu ula ciyaaray kooxihii shisheeye iyo dabadhilifyadoodii si nasabnimo leh xitaa markii ay si xun u bahdileen sokeeyihiisii.

Haddaba yaa shirqooley dalka?

Soomaaliya ma aha Itoobbiya. Siyaasad laab la kac ah amase mid aan si fiican loo ruugin waa waxa dalka hore u hoday ama u dagay (khatalay) oo uu Maxamed Siyaad Barre bohosha ugula dhacay dowladnimadii bilatay.

Haddii Farmaajo uu ka laabto afgembiga waxuu tijaabo ugu jiraa inuu kala doorto labo daran midkood: Inuu lumiyo shacbiyada dadweynaha oo la’aanteeda dalka la xukumi karin (tusaale waxaa noogu filan Cabdullahi Yuusuf oo lagu soo galbiyey taangiyadii Itoobbiya), amase inuu lumiyo kalsoonida saxiibbada shisheeye oo la’aantood aysan sahlanayn in laga badbaado waraabaha dad iyo dal qaadkaba ah.

Haddaba maxaa xal ah?

Xudunta siyaasadda cakiran ee doorashooyinka waa cidda maamuli doonto. Si dooraashooyinka looga madaxbanaaneyo gacmaha muxaafidka iyo mucaaradka isku heysta, xalku waxuu ku jiraa in Farmaajo dib u fidiyo gogosha wadahadalka isagoo wato shuruudda ah in doorashooyinka ay maamusho Guddiga Xaliima Yarey; amniga doorashadana uu maamulo Ra’iisulwasaare Rooble. Halkaasna uu ku soo afjarmo fara isku fiiqa siyaasiyiinta, faragelinta nacabka iyo faduusha reer galbeedka.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim