Maxaa loo hadal hayaa sheekada ku saabsan guurka xaasaska badan?

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa aad loogu hadal hayaa sheekooyinka ku saabsan guurka xaasaska badan, kuwaasoo qaarkood ay horay u qortay BBC-da. Haddaba warbixintan waxaan ku eegeynaa xog kala duwan oo ku saabsan dhaqankaas iyo baaritaanno lagu sameeyay caafimaad ahaan.

Meelo badan oo ka mid ah caalamka ayaa looga dhaqmaa guursiga xaasaska badan sida dalalka Africa qaarkood, Bariga dhexe, bartamaha iyo waliba iyo koonfur bari Asia.

Inkastoo ragga muslimiinta ah loo oggol yahay inay yeeshaan ilaa afar xaas – oo shuruud ay ku xiran tahay – haddana waxaa jira rag diimo kale heysta oo tirada xaasaskooda gaarsiiya hadba inta ay doonaan.

Waxaa xitaa jira madaxweyneyaal reer Afrika ah oo ay u dhaxaan in ka badan hal xaas.

Tusaale ahaan, madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa afar xaas lahaa markii uu xukunka dalkaas hayay.

Inta badan ragga dhaqankaas sameeya waxay ku doodaan inay carruur badan raadinayaan, laakiin haweenka badankood ayaa fikraddan kasoo horjeeda. Waxaase lagu eedeeyaa in sababta ay dumarku arrintan u diidaan tahay mid salka ku heysa maseyr.

Daraasado ay seynisyahannadu horay uga soo saareen saameynta guurka badan ayey siyaabo kala duwan ugu qeexeen dhinaca caafimaadka.

Qaarkood waxay sheegeen in caafimaad darro laga dhaxlo, halka kuwo kalena ay guud ahaan guurka la xiriiriyeen faa’iidooyin caafimaad.

Guurka dhowrka xaas oo halis caafmaad leh

Ragga guursada in ka badan hal xaas ayuu afar jeer kordhaa xanuunka wadnaha sida laga soo xigtay baaris caafimaad.

.
Image captionDaraasadda ayaa muujineysa in dumar badan oo la guursado ay horseedo barwaaqo

Inaad guursato in ka badan hal xaas uma wanaagsana caafimaadkaaga sida ay ogaadeen seynisyahanada qaarkood.

Baaristan waxaa dhowr sano ka hor sameeyay Dr. Amin Daoulah oo ka tirsan isbitaalka boqor Faysal oo ku yaalla magaalada Jiddah ee dalka Sacduudiga.

Dhakhtarka ayaa baaris ku sameeyay 687 rag ah oo guursaday, wuxuuna ogaaday in kuwa qaba in ka badan hal xaas ay qatar ugu jiraan wadno xanuunka.

Dhibaatada ayaa ka timaadda sidii ragga ay ugu filnaan lahaayeen xaaskaska xag dhaqaale iyo mid dareen intaba.

Daraasad lagu ogaaday in guurka uu caafimaad ku jiro

A Pakistani brideLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Baaritaan dalka Britain laga sameeyey sanadkii 2017-kii ayaa lagu sheegay in guurka uu yahay mid u fiican wadna xanuunka.

Daraasaddan oo mudo 13 sano ka badan la waday ayaa lagu eegayay dhinacyo kala duwan oo la xiriira mowduucaas.

Dad ka badan sagaal boqol oo kun oo qof ayaa su’aalo la weydiiyey.

Dadkan su’aalaha la weydiiyey ayaa qabay xanuunno xiriir la leh cudurada wadnaha ku dhaca.

Waxaana cilmi-baaristaasi lagu ogaaday in dadka guursada ay ka nolol dheer yihiin kuwa aan guursanin.

Sidoo kale dadka la xanuunsan cudurada sonkorta ama macaanka iyo dhiigkarka ayaa iyagana la sheegayaa inuu guurku u fiican yahay.

Cilmi-baarayaashani ayaa sidoo kale aaminsan in wada noolaanshaha lamaanaha isguursada ay tahay caafimaad qab.

Sheekh caan ah oo ka digay guurka haweenka badan ee la kulmiyo

Tayeb wuxuu imaanka Al-Azhar ahaa tan iyo sannadkii 2010-kiiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionTayeb wuxuu imaanka Al-Azhar ahaa tan iyo sannadkii 2010-kii

Bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay, Imaamka ugu sarreeya jaamacadda Islaamiga ah ee dalka Masar ee Al-Azhar ayaa sheegay in guurka haweenka badan uu “Caddaalad darro ku noqon karo dumarka iyo carruurta”.

Sheekh Axmed al-Tayeb oo sidoo kale ah mas’uulka hoggaanka u haya dariiqada Sunniga ayaa sheegay in badanaa guursiga haweenka badan ee la isla kulmiyo, oo dabcan dhinaca Islaamka ku eg ilaa 4, ay sabab u tahay “Khalad laga fahmay ayaadda qur’aanka ah ee mowduucaas ku saabsan”.

Hadalkan ayuu sheekhu ku shaaciyay barnaamij isbuucle ah oo uu Telefishinka ku leeyahay iyo barta Twitterka.

Hase yeeshee, ka dib markii uu muran badan dhaliyay dhawaaqa kasoo yeedhay Sheekh Axmed, maamulka Jaamacadda Al-Azhar ayaa caddeeyay in Sheekha ujeeddadiisu aysan ahayn in la mamnuuco guurka ragga ee ka badan hal xaas.

Wuxuu Sheekh Axmed al-Tayeb mar kale ku celiyay in guursashada 1 dumar ah ay tahay sharciga guud, balse in dumar hal ka badan la guursado ay tahay qodob gooni ah oo ay shuruudo ku xidhan yihiin.

“Dadka dhaha in haween badan la isla guursado waa qodob waajib ah, kulligood way khaldan yihiin”, ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Qur’aanku wuxuu qeexayaa in ninka musliminka ah ay waajib ku tahay inuu shuruudo dhowr ah oo dhanka caddaaladda ah kasoo baxo marka uu rabo inuu xaasas dhowr ah yeesho, haddii aysan caddaalad meesha jirinna waa mamnuuc in xaasas badan la yeesho”.

Sheekh al-Tayeb ayaa sidoo kale aad u boorriyay in la wanaajiyo habka loo wajaho arrimaha ku saabsan dumarka.

“Haweenku waxay matalaan kala bar ka mid ah bulshada. Haddii aan mudnaan siin weyno waxay la mid tahay innagoo hal lug oo kaliya ku soconayna oo kale”, ayuu ku yidhi qoraalkiisa barta Twitter-ka.

Golaha qaran ee haweenka dalka Masar ayaa soo dhaweeyay hadalka Sheekha.

“Diinta islaamku waxay sharaf u yeeshay dumarka, waxay u keentay caddaalad iyo xuquuq wanaagsan oo aysan horay u heysanin”, ayey tidhi Maya Morsi, oo ah guddoomiyaha Golaha qaran ee haweenka dalka Masar.

Dumar badan oo la guursado ma barwaaqo ayaa ku jirto?

.
Image captionQowmiyadda Masai da

Daraasad goor sii horreysay la sameeyay ayaa muujisay in caruurta kala bahda ah ay ka wanaagsan yihiin marka la barbar dhigo kuwa isku bahda ah.

Daraasaddan oo uu sameeyay David Lawson oo katirsan mac-hadka nadaafadda ee “London School of Hygiene” oo soo xiganaya mac-hadka kale ee “National Academy of Sciences journal” ayaa tusaale usoo qaatay dalka Tanzania oo uu sheegay in ragga guursaday dumar badan ay ka hanti badan yihiin ragga qaba hal xaas oo kaliya.

“Caruurta ay dhalaan ragga dhowrka xaas leh waa ay ka wanaagsan yihin caruurta kale ama haddii aysan ka wanaagsaneyn waxay lamid yihiin caruurta kale oo marnaba kama hooseeyaan”. Sidaas ayuu David Lawson u sheegay hay’adda Thomson Reuters Foundation.

Waxaa kale oo daraasadda lagu oggaaday in xaasaka ugu horreeya ee uu ninka guursado isla markaana la nool ay ka cunto wanaagsanaan jireen qoysaska ka kooban hal nin iyo hal xaas.

Warbixintan ayaa muujisay in bah-yarta iyo ilmaheeda aanay helin cunto lamid ah tan bah-weynta, balse ay isku cunto yihiin ragga halka xaas leh.

Lawson ayaa sheegay in inkasttoo ay jirto kalmad marwalba ay adeegsato Qaramada Midoobay oo ah in xaasas badan oo la guursado aysan u wanaagsan dunida haddana daraasadan ay muujineyso wax ka duwan waxa Qaramada Midoobay ay aaminsan tahay.

Si kastaba, waxa uusan shaki ku jirin in go’aanka ay ragga qaar ku guursadaan dhowr haween ah uu horseedo dhibaatooyin dhinaca qoyska ah iyo khilaaf mararka qaar sababa gacan ka hadal khasaare keena ama burburka guud ahaan qoyska.