Maxaa xiiso uyeelay mooshinkii xilka qaadista gudoomiyaha wakiilada Puntland oo Soomaalida usoo jeediyay

In Siyaasada aad fahanto oo aad hadba dhinaceeda la qabsato waa ay ku adag tahay dadka qaarkiis.

Marka La Qiimeenayo Qaacidadeeda waxaa lagu sheegaa “Saaxiib Joogto ah ma leh Balse Dan Joogto ah ayey Leedahay”.

Shalay waxaa Xildhibaan Cawil Xasan Daad ay Ahaayeen Col aan Muraayada iska arki Karin maantana waa kaas ay ku heshiis ahaayeen Riditaanka C/xakiin Dhoobo Daareed Gudoomiyihii Wakiilada Puntland.

Waxa uu sheegay Qof Xildhibaanada Ka mid in Heshiiska dhexmaray Cawil Daad iyo Siciid Dani ka soke ay jirto Dhiiga Beesha oo isku soo dhaweenaya.

Sawir lasoo qaaday ayaa Xildhibaan Cawil Daad la arkayaa isagoo codka Kalsoonida kuwii ku riday ka mid ahaa Maanta Gudoomiye Dhoobo.