Maxaadan Ogeyn oo xalay ka dhacay Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho?

Habeenimadii xalay waxaa kala carar uu ka dhacay Xeebta Liido oo dad badan ay ku damaashaadayeen Ciida Carafo awgeed.

Maqaayado & Hoteelo dadka ay ku caweenayeen kuna yaalla Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ayaa mar keliya lagu kala dareeray kadib cabsi amni oo soo baxday.

Dadka ayaa waxa soo gaaray fariin ah in qaraxyo ay ku jiraan aagga Liido taas oo mar keliya ay jawigii meesha bedeshay fariinta islamarkaana la kala yaacay.

Markii dambe ayaa waxa la dejiyey xaalada islamarkaana ciidamada amaanka oo goobta soo garay ay baaris ay sameeyeen kadibna ay qabteen dhalinyaro abuuray argagaxaasi.

Haween iyo rag da’ walbo iskugu jiray ayey ka koobnaayeen dadka kusugnaa xeebta liido ayaa xaalada caadi markii ay kusoo laabatay dib ugu laabtay goobihii ay ku caweenayeen.