Maxay Isku Afgarteen Maanta Madaxda HirShabelle & Danjire James Swan?

Madaxweynaha DG HirShabeelle Md Dr Mohamed Abdi Ware iyo Madaxweyne ku Xigeenka DG HirShabeelle Md Cali Guurdlaawe ayaa Maanta Airport-ka Magaalada Jowhar kusoo dhoweeyay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe u Fadhiya Somaliya Ambassador Jemes Swan iyo Masuuliyiin kale oo Socdaalka ku Wehlinayay.

Kulan ay Wada qaateen Madaxweyne Md Dr Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Ku Xigeenka Md Cali Guudlaawe Xuseen, Qaarkamid ah Golaha Wasiirada Dowlada iyo Ambasador Jemes Swan iyo Wafdigiisa ayaa looga hadlay Horumarinta Deegaanada HirShabeelle in UN- Family ay diyaar u yihiin inay Kala Shaqeynta Horumarinta Deegaanada Dardargalinta Amniga iyo La Dagaalanka Argagixisada Waxaa kale oo la isku soo hadal qaaday Arimaha Barakacayaasha iyo Xaaladaha Bini’aadanimo ee Ka jira Deeganada HirShabeelle. 

Ugu Dambeyn waxay Balanqaadeen inay ka Soo Jawaabi Doonaan Baahiyada jira ee laga wadahadlay.