Maxay isku haystaan fanaanada caanka ah ee Rihanna iyo Hindiya?

Dowladda Hindiya ayaa “shakhsiyaad ajaanib ah” iyo ku eedeysay in ay shaaciyeen warar “ka careysiiyay”, kaddib markii qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay fannaanadda heesaha pop-ka ku caan baxday ee Rihanna oo ay taageero ugu muujineyso mudaharaadeyaasha beeraleyda ah uu soo jiitay inshaha caalamka.

Saacado kaddib markii ay fannaanadda shaacisay qoraalka, gabadha da’da yar ee u ololeysa cimilada, Greta Thunberg, iyo gabadha ay eeddada u tahay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Meena Harris, ayaa iyagana soo dhigay qoraallo ay ku taageerayaan beeraleyda Hindiya.

Qoraallada shakhsiyaadkan caanka ah ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana ka fal celiyay kumannaan qof.

Beeraleyda Hindiya ayaa ka mudaharaadaya shuruuc cusub oo ay dowladdu soo saartay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Arbaco ah ku sheegtay in baarlamaanka uu ansixiyay “shuruucda isbaddalka loogu sameeyay xeerarka beeraleyda” kaddib markii ay si buuxda uga doodeen.

“Isku dayga lagu sameynayo hadallada cadharada kicinaya ee lagu faafinayo baraha bulshada, gaar ahaan kuwa ay sameynayaan dadka caanka ah iyo kuwa kaleba, ma aha wax sax ah iyo wax mas’uuliyad ku dheehan tahay toona,” ayaa sidoo kale lagu yidhi bayaanka.

Qoraalka Rihanna ay Twitter-ka soo dhigtay Talaadadii ayaa lala xiriiriyay warar ku saabsan in adeeggii internet-ka laga xidhay meelaha ay mudaharaadyada ka socdaan.

“Maxay tahay sababta aynaan uga hadleynin arrintan?” ayey Rihanna ku qortay boggeeda Twitter-ka, waxayna ku lifaaqday astaan loogu ololeynayo mudaharaadeyaasha Hindiya.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Presentational white space

Hindiya ayaa adeegyadii telefoonnada ka xayirtay saddex meelood oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Delhi, halkaasoo tobannaan kun oo beeraleu ah ay uga mudaharaadayaan sharciga cusub.

Dowladda ayaa tallaabada adeegyadaas lagu joojiyay ku micneysay “mid lagu ilaalinayo amniga dadweynaha”.

Dibadbaxyadan ayaa warbaahinta caalamka qabsaday isbuucii lasoo dhaafay kaddib markii baldoosar ay ku mudaharaadayeen beeraleyda uu horseeday qalalaase lagu dilay hal qof oo beeraley ah halka tobannaan askari oo boolis ahna lagu dhaawacay.

Qaar ka mid ah mudaharaadeyaasha ayaa weerar ku qaaday dhismaha caabka ah ee Red Fort oo ku yaalla Delhi, iyagoo halkaas heystay ilaa inta ay booliska ka eryayeen.

Ururrada beeraleyda iyo hoggaamiyeyaashooda ayaa canbaareeyay qalalaasaha, laakiin waxay sheegeen in aysan joojin doonin dibadbaxyada.

Qoraalka ay fannaanadda reer Mareykan soo dhigtay boggeeda ay ku taxan yihiin 101 milyan oo qof ayaa magaceeda ku daray kuwa ugu waaweyn ee laga hadal hayo baraha bulshada ee Hindiya.

Wuxuu hadalkeeda soo jiiday taageero caalami ah oo ay heleen beeraleyda.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Presentational white space
Ka bood Twitter boggan, 3

Dhammaadka Twitter boggan, 3

Presentational white space

Waxaa kale oo jiray dad badan oo fanaanadda ku dhaliilay sida ay u garab istaagtay mudaharaadyada sharciga looga soo horjeedo, sharcigaas oo ay difaaceen dowladda Hindiya iyo taageerayaasheedaba.

Atariishada Bollywood-ka, Kangana Ranaut, oo taageerta xisbiga Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ee BJP, ayaa soo dhigtay farriin ay uga jawaabeyso qoraalka Twitter-ka ee Rihanna.

“M jiro qof ka hadlaya arrintaas, sababtoo ah dadkaas ma aha beeraleey, waa argagixiso isku dayaya inay Hindiya kala qeybiyaan,” ayey ku qortay farriinteeda.

Saacado kaddib qoraalka Rihanna, waxaa sidoo kale beeraleyda taageero u muujisay Greta Thunberg.

“Waxaan garab taagan nahay beeraleyda Hindiya,” ayey tidhi Greta.

Ka bood Twitter boggan, 4

Dhammaadka Twitter boggan, 4

Presentational white space

Gabadha ay eeddada u tahay haweeneyda madaxweyne ku xigeenka ka ah dalka Mareykanka, Kamala Harris, oo iyadana lagu magacaabo Meena Harris ayaa sidoo kale Twitter-ka taageero ugu muujisay beeraleyda gadoodsan.

“Dhammaanteen waa inaan ka cadhoonno xayiraadda internet-ka ee Hindiya iyo qalalaasaha baarlamaanka ee ka dhanka ah beeraleyda,” ayey soo qortay.

Ka bood Twitter boggan, 5

Dhammaadka Twitter boggan, 5

1px transparent line

Xildhibaanadda ka tirsan baarlamaanka Britain, Claudia Webbe, ayaa iyaduna soo qortay. “Mahadsanid Rihanna. Waxaa la joogaa xilli hoggaan siyaasadeed uusan jirin, waan u mahad celineynaa dadka kale ee u soo istaagay.”

Ka bood Twitter boggan, 6

Dhammaadka Twitter boggan, 6

1px transparent line

Mudaharaadka beeraleyda, oo hadda socda bishii saddexaad, ayaa noqday caqabaddii ugu weyneyd ee uu wajahay Mr Modi. Xisbigiisa ayaa ku yaboohay in la hakiyo sharciga cusub, laakiin beeraleyda ayaa doonaya in gabi ahaanba meesha laga saaro.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa aad uga soo horjeeda in la canbaareeyo, maalintii Isniintana, shirkadda Twitter-ka aya dib usoo celisay tobannaan ciwaan oo horay looga xiray Hindiya, kuwaasoo dowladda ay ka dambeysay in la xiro.

Ciwaannadaas, oo xiritaankooda loo cuskaday jabinta shuruucda dadweynaha, waxaa ka mid ah kuwo ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha beeraleyda iyo wargeysyo aad loo qaddariyo.

Farmer warm themselves around a bonfire at Ghazipur on January 28, 2021

Sharciyada la diiddan yahay ayaa dabcinaya xeerarka iibinta dalagga, keydinta iyo qiimaha. Wax soo saarka beeraha ayaa tobannaan sano daboolayay kalabar ka mid ah waxyaabaha lagu iibiyo suuqyada dalka Hindiya.

Beeraleyda ayaa ka cabsanaya in sharciga cusub uu dhibaato u keeno dadaalkii ay soo wadeen tobannaanka sano, gaar ahaan qiimaha go’an – sidoo kalena uu debciyo gorgortanka, taasoo iyaga ka dhigeysa kuwo u nugul isbadbaddalka qiimaha ee shirkadaha.