Maxay shirkadda DP World ka tiri heshiiskii Carabta iyo Israa’iil?

“Heshiisyada nabadeed ee ay Israa’iill la gashay Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa, ” wax weyn u noqon doona” ganacsiga gobolka,” mid ka mid ah ganacsatada ugu saameynta badan Bariga Dhexe ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegay inay meesha ka saarayaan caqabadaha hortaagan isku xirka ganacsiga ee markii horaba “aan la ogoleyn”, iyagoo soo gaabin doona waddooyinka ganacsiga isla markaana fududeyn doona la macaamilka Yurub.

Israa’iill ayaa sheegtay in qiyaas ahaan ganacsiga Imaaraadku uu sannadkiiba gaari doono afar bilyan oo doolar, uuna abuuri karo ilaa 15 kun oo shaqo.

Mr bin Sulayem wuxuu qirsan yahay inay faa’iido u leedahay labada dhinacba: ” Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin.”

Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UAE Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain Abdullatif bin Rashid Al Zayani iyo madaxweyne Donald Trump oo ku kulmay Aqalka Cad.

Waxay u badan tahay in ganacsiga Carabta iyo Israa’iil uu koro haddii lagu daro badeecado badan oo haatan ay dalalka bariga dhexe u soo dhoofiyaan Dubai.

Toddobaadkan, Markabka MSC Paris waxuu noqotay mid ka mid ah maraakiibtii ugu horreysay ee xamuul ah oo sameeya safarka labada dal, waxaana baarlamaanka Israa’iil uu si rasmi ah u ansixiyay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay agabkaasi ka kooban qalabka elektarooniga, nadaafadda, birta iyo qalabka dab-demiska waxa uuna ku tilmaamay “bilow aad u weyn”.

DP World waa shirkadda maamusha dekadaha aduunka ugu waaweyn waxayna haatan lashaqeyneysaa shirka DoverTower ee ay Israa’iil leedahay si loo balaariyo dalalka ay shirkadda ka howlgasha. Israel waxay dooneysaa inay hagaajiso xarumaha dekedda ee Ashdod iyo Haifa oo muhiim u ah dhaqaalaheeda.

Markabka MSC Paris

Iraa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.

Heshiiskan Falastiiniyiinta muxuu uga dhigan yahay?

Heshiiskan Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta wuxuu ka dhex abuurayaa iney labada dal safaarado isdhaafsadan, wuxuu sida oo kale heshiiskan uu jabinayaa qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu adag ee ay sanado badan ay Falastiin iyo Israa’iil iskumari waayeen oo ah qorshaha Israa’iil ay ku dooneyso iney ku qabsato dhul hor leh oo ka mid ah daanta galbeed ee Falastiin.

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa’iil inuu 30% uu u ballaadhinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeedhay heshiiska Trump uu damacsan yahay.

Falastiiniyiintu waxay sheegeen tallaabbada noocaasi ah iney halis ku tahay dowladnimadooda inkasta oo ilaa iyo hadda oggolaashihi ugu dambeeyey aan laga helin dhinaca Washington taasoo u muuqato inuu qorshahaasi istaagay.

Falastiiniyiinta waxay si kulul u cambaareeyeen heshiiska Israa'iil iyo Iisutagga Imaaradka Carabta ay wada galeen
Qoraalka sawirka,Falastiiniyiinta waxay si kulul u cambaareeyeen heshiiska Israa’iil iyo Iisutagga Imaaradka Carabta ay wada galeen