Maxay tahay sababta aan loo tirin codad la siiyay Mohamed Salah?

laba cod oo uu lahaa Mohamed Salah markii loo codeeynayay cayaarhanka ugu wanaagsan ee Fifa ayaanan la tirinin ka dib markii lagu qoray xarfaha waaweyn(capital letters) sidaasi waxaa sheegtay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Masar ayaa sheegay in ku simaha tabaraha qaranka kubaadda cagta ee Masar iyo kabtanka kooxda ay u codeeyeen Salah oo ah weerayan u dheeela kooxda Liverpool.

Fifa waxay sheegtay in saxiixyada ku yaalay warqadahaasi ay ku qornaayeen xarfaha waaweyn.

Waraaqaha lagu codeeynayay ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaa saxiiha xoghaya guud ee Fifa, kaasi oo ay khasab tahay inuu ka muuqdo.

Abaal-marintaasi cayaaryahanka ugu wanaagsan ee Fifa waxaa Isniintii ku guuleystay Lionel Messi kaasi oo ka qaaday Cristiano Ronaldo iyo Virgil van Dijk oo daafaca kaga dheela naadiga Liverpool.

Salaax ayaa galay kaalinta Afaraad, inkastoo codadkaasi aan la xisaabin aysan saameyn ku yeelan lahayn kaalinta uu haatan galay.

Fifa ayaa sheegtay in codbixinta ay maamuleysay hay’ad madax-banaan oo lagu magacaabo ricewaterhouseCoopers, fadhigeeduna yahay dalka Switzerland.

Waxay hay’addu sheegtay in Fifa ay laba goor la xiriirtay 19-kii Ogosto ayna u sheegtay inay waraaqo si fiican u saxiixan ay soo gudbiso balse waqtigii loogu talagay jawaab maysan ka helin.

Tan iyo markii ay dhacday xaflddii abaalmarinta Salaax wuxuu cinwaanka bartiisa Twitter-ka ka saaray ”Masar” Waxaana haatan cinwaankiisa ku qoran inuu yahay ”Cayaaryahan u dheela naadiga Liverpool”

Waxa uu sidoo bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray: “Waxkasto oo ay isku dayaan oo ay ku doonayaan inay ku baddelaan jacaylka aan u qabo Masar kuma guleysana doonaan.”

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Masar ee Amr El-Ganainy ayaa sheegay inuu la hadlay Salax. Waxa uu yiri: ”Waan la hadlay Saalax waana u sharaxay inuu khalad ka dhacay Maamulka.”

Sannadkii 2018-kii Saalax waxa uu galay kaalinta 3-xaad waxa uu sodoo kale ku guuleystay abaalmarinta Puskas ee goolka ugu quruxda badan ee xilli cayaareedkaas.

Waddan kasta waxaa uu leeyahay 3 codbxiyaal- waa tabaraha xulka qaranka, kabtanka xulka iyo qofka warbaahinta u qaabilsan xulka qaranka-kuwaasi oo dooranaya 3-da cayaaryahan ee dunida ugu laacibsan.

Mohamed Salah

Xiriirka Kubadda Cagta Masar ayaa sheegay in Gharib iyo Elmohamady ay codbixintooda qofka kobaad ka dhigeen Maxamed Saalax.

Hany Dania oo ah qofka Masar u qaabilsanaa warbaahinta ee codkiisa dhiibtay ayaa waxay codbixintiisa u dhacday sida tan: 1 Sadio Mane 2 Cristiano Ronaldo 3 Saalax.

Saalax ayaa sannadkii hore ku hanjabay inuu ka baxayo xulka qaranka ee Masar ka dib markii khilaaf uu hareeyay xuquuqda sawirkiisa.