Maxoow shalay MD Xasan Sheekh sida dadban noogu sheegay oo Oga timid Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhulka ku jiiday tuugmo uga timid hogaamiyaha dalka, Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo xog ogaal ah, Xasan Sheekh ayaa iska diidey dalab uga yimid Farmaajo oo ahaa in ay wada hadlaan.

Wararka ayaa daboolka ka qaadaya in sidoo kale Xasan uu meesha ka saarey wada hadalo uu la yeeshay xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili waqtiga dowladda Farmaajo uu kaga harsan yahay muddo ku suntay sanad iyo bar.

Xasan Sheekh ayaa hormuud u noqday mucaaradka dowladdan, isaga oo mar walba uga digay muddo kororsi ay sameysato.

Sikastaba ha ahaatee, Nabad iyo Nolol ayaa u muuqata mid uu cadaadiska ku kordhayo maadaama mucaaradka aad ugu kordhay.