MD Trump oo maxkamad kuriday xukun kayaabin doona oo caan ku ahaa ficilkiisa

Madaxweyne Donald Trump waxa uu ku xad gudbayaa xuquuqul qowlka haddii boggiisa Twitter-ka uu ka xayiro dadka isaga naqdiya, sidaasi waxaa xukuntay maxkamadda federaalka Maraykanka ee rafcaanka ee New York.

Waxa ay go’aan ka gaartay dacwad ay geeyen 7 shaqsi oo uu Trump ka xayiray in boggiisa ay mutaabaceeyaan.

Xaakimka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta aanan loo ogolayn in ay xayiraan dadka ka aragti duwan ee boggooda ku xiran.

Balse garyaqaanadii matalayay Trump ayaa ku dooday in ciwaanka madaxweynaha uu yahay mid gaar ah, islamarkaasna aysan qabanin shuruucda dalka u taala.

Wasaaradda caddaalada Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka niyad xuntahay xukunka, islamarkaasna ay hadda ka fiirsanayso tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo.

Garsooraha ayaa xukunkiisa u cuskaday xaqiiqda ah in Trump ciwaankiisa Twitter-ka uu u adeegsado in uu ku shaaciyo go’aanada dowladda ee saamayn kara muwaadhin kasta, sidaasi darteedna aysan sharci ahayn in qof laga xayiro.

Bishii May ee sannadkii hore maxkamad kale ayaa xukuntay in ciwaanka madaxweynaha ee @realDonaldTrump uu yahay mid dadweyne, oo uusan ahayn mid shaqsi leeyahay.

Kiis kan la mid ah ayaa laga dhagaystay gobolka Virginia, waxayna maxkamadda xukuntay in ninkii dacwada keenay Brian Davison aanan laga xayiri karin ciwaan uu leeyahay nin siyaasi ah.

Agaasimaha mac-hadka Knight First Amendment Institute Jameel Jaffer ayaa sheegay in 75 qof laga qaaday xayiraadda, balse 30 kale ay weli xayiraadda saarantahay.