Meydadka nin taajir ah iyo addoonkiisa oo la helay 2,000 oo sano ka dib

Khubarada cilmiga dhulka ayaa helay hadhaagii meydadka laba nin oo ku dhintay qaraxa foolkaanahii burburiyay magaaladii qadiimiga ahayd ee Roman ee Pompeii ku dhawaad ​​2,000 oo sano kahor.

“Midkood malaha wuxuu ahaa nin darajo sare leh halka kan kalena uu ahaa addoonkiisa,” ayay sheegeen mas’uuliyiinta Pompeii.

Waxaa “laga yaabaa inay magangalyo ka raadinayeen markii uu foolkaanaha qaadayay”, agaasime Massimo Osanna ayaa intaas ku daray.

Pompeii waxaa ku qarxay fulkaano ka kacay buurta Vesuvius markay ahayd AD 79.

Foolkaanaha ayaa Pompeii ka dhigay dambas, laakiinse dadka magaalada iyo deegaankuba wuxuu ka dhigay meel hodan u ah khubaro taariikhda.

Baaritaankan ugu dambeeyay ayaa waxaa la sameeyay bishan gudaheeda ka dib markii la qoday in guri weyn uu ku yaalay duleedka magaalada qadiimiga ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninka taajirka ah uu da ‘ahaan u dhaxeeyay 30 ilaa 40. Raadraacyo maro diirran ah ayaa laga helay qoortiisa.

Ninka kale waxay da, diisu u dhaxeysay 18 ilaa 23 jir. Khuburada ayaa sheegay in lafdhabartiisa bur-bursan ay muujineyso inuu adddon ahaa oo uu qaban jiray shaqo aad u adag.

Howlgallada qodista ayaa ka socota goobta qadiimiga ah, oo ku taal meel u dhow Naples, laakiin weli y dalxiisayaasha way xiran tahay sababo la xiriira fayraska corona.