Muxuu galabsaday canugga shan jirka ah ee ay boolisku Mareykanka ku jeesjeeseen?

Kaamarada ku rakiban dharka askari boolis Ameerikaan ah ayaa muujisay askar boolis ah oo katiinadaynaya wiil yar oo shan jir ah oo ooyaya oo ka soo cararay iskuulkiisa.

Muuqaalka, oo booliska Maryland ay Jimcihii baahiyeen, ayaa tusinaya laba askari oo wiilka hooyadii ku leh “waa inaad garaacdaa” canugan.

Dhacdadan oo la diiwaangeliyay bishii Janaayo ee 2020 ayaa haatan wiilka hooyadii waxa ay la beegsanaysaa maxkamadda.

Qareennadeeda ayaa waxa ay ku andacoodeen in wiilka ay dhibaato maxkaxeed soo gaartay.

Askarta ka tirsan waaxda booliska ee deegaanka Montgomery ayaa waxa ay canuga ka heleen meel dhowr waddo ka fog iskuulkii uu dhiganayay, kaamerada dharka ku xiranna waxa ay muujinaysaa canuga oo ka ooyaya qeybta dambe ee gaariga xilli iskuulkiisa lagu celinayay.

Askarta ayaa iskuulka u raacay canuga iyo mid ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Haweeney askariyad ah ayaa la maqlayaa iyadoo oronaysa, “taasi waa sababta ay tahay in dadku ay carruurtooda garaacaan.”

Gudaha xafiiska kaaliyaha maamulaha iskuulka, ayuu canugu bilaabayaa inuu kor u ooyo muuqaalkana waxa uu muujinayaa mid ka mid ah askarta oo canuga toos ugu qaylinaya.

“Aamus oo qaylida jooji!” askariga ayaa leh. “Waxaan jeclaan lahaa in hooyadaa ay ii ogolaato inaan ku garaaco.”

Markii dambe waxaa iskuulka timid wiilka hooyadii, muuqaalkana waxa uu muujinayaa labada askari oo ku dhiirigelinaya inay wiilkeeda garaacdo.

“Waxaan doonaynaa inaad garaacdid,” askari ayaa sidaas ku leh. Hooyada ayaa ku jawaabaysa inay ka walaacsan tahay in xabsiga loo taxaabo, hasayeeshee askari ayaa ku jawaabaya: “Xabsi kuma mutaysanaysid inaad canugaaga garaacdid.”

Still from bodycam released by Montgomery County Department of Police

XIGASHADA SAWIRKA,MONTGOMERY COUNTY DEPARTMENT OF POLICE

Still from bodycam released by Montgomery County Department of Police

XIGASHADA SAWIRKA,MONTGOMERY COUNTY DEPARTMENT OF POLICE

Askari ayaa markaas kaddib canuga ku hor katiinadaynaya hooyadii, oo waxa uu wiilka ku leeyahay: “Ma garanaysaa waxa loogu talagalay katiinadahan? Waxaa loogu talagalay dadka aanan garanayn sida wax loo dhagaysto iyo weliba sida ficil loo sameeyo.”

Askariga ayaa daqiiqad kaddib katiinadda wiilka ka furaya. Will Jawando oo ka tirsan xubnaha Golaha Deegaanka Montgomery oo ah ninka dalbaday in muuqaalka la baahiyo ayaa sheegay in muuqaalkaas uu “walaac galiyay”, waxaa sidaasi ku warramay wargeysa the Washington Post.

“Waxaynu dhammaantayo aragnay wiil yar oo lagu ciyaarayo, oo la sharafdilayo, misana lagu riday qeybta dambe ee gaariga booliska, oo ku ooyaya xabadka askari boolis ah, oo waxyar uun u jira wajigiisa. Taasi waa tacadi,” ayuu yiri.

Bayaan ka soo baxay mas’uuliyiinta iskuulka deegaanka Montgomery ayaa muuqaalka waxaa lagu tilmaamay “mid ay aad u adag tahay” in la daawado.

“Wax sharciyad ah dadkaas waa wayn uma haystaan inay canuga sidaas ula hadlaan ama ay qaabkaas canug u handadaan,” ayaa bayaanka lagu yiri.

Waaxda booliska deegaanka Montgomery ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada askari la marsiiyay baaritaan gudaha ah, iyadoo wixii lagu ogaaday baaritaankaasna aanan la shaacin. Sidoodii caadiga aheyd ayey u shaqeeyaan, ayey waaxdu tiri.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in baaritaanka noocaas oo kale ah uu yahay wax sir ah marka la fiiriyo sharciga Maryland sidaas daraadeedna aanay waxba ka sheegayn xogta la ogaaday.

Wiilka hooyadii ayaa waxa ay maxkamad gaynaysaa maamulka Deegaanka Montgomery, labada askari ee booliska ah, iyo guddiga waxbarashada ee deegaankaasi.