Muxuu sameeyay Xayawaanka dowladda Talyaaniga ka baxsaday ee taageerada weyn ka helay shacabka?

Ciidamada keymaha ee dalka Talyaaniga ayaa ugaarsanaya xayawaanka loo yaqaanno Oorsada, kaasoo lagu tilmaamay geesi kaddib markii uu si layaab leh oo caqliyeysan uga baxsaday xeyndaab koronto lagu xiriiriyay.

Xayawaankan oo hadda dhuumaaleysanaya ayey Axaddii u suurta gashay inuu ka fakado goob lagu hayay oo ku taalla gobolka Trentino ee waqooyiga dalka Talyaaniga.

Oorsada oo midabkeedu uu yahay bunni ayaa lagu magacaabaa M49.

Mas’uuliyiinta dalka Talyaaniga ayaa horay amar ugu bixiyay in la qabto oo la xiro, iyagoo sheegay inuu khatar ku yahay dadka iyo xoolaha beeraha jooga.

Basle xayawaankan ayaa baxsaday saacado uun kaddib markii lasoo qabtay, waxaana lagu soo warramay inuu si caqli ku dheehan yahay uga dhex baxay saddex xeyndaab oo ay koronto ku dhagantahay, looguna talagalay in markii uu taabto ay qabato.

Sidoo kale xeyndaabkaas oo silig ka sameysan ayaa kor u dhisnaa ilaa 13 fiit oo u dhiganta 4 mitir.

Ciidamada duurjoogta oo adeegsanaya eeyaha wax ursada ayaa hadda raadinaya xayawaanka baxsadka ah, kaasoo la rumeysan yahay inuu ku dhex jiro keymaha u dhow magaalada Trento.

Barasaabka gobolka Trentino Maurizio Fugatti ayaa ciidamada duurjoogta siiyay fasax ay “ku toogan karaan xayawaankaas”, isagoo sheegay in bahalka ka baxsaday “koronto awooddeedu dhantahay 7,000 volts ay halistiisu aad u badan tahay”.

Hase yeeshee, hadalkan ayaa ka careysiiyay kooxaha u dooda xuquuqda xayawaannada waxaana markii dambe amarkaas meesha ka saaray wasaaradda deegaanka ee Talyaaniga.

“Ficilka uu M49 uga baxsaday goobtii lagu hayay marmarsiiyo uma noqon karo inuu dhimasho ku muteysto” ayuu yidhi wasiirka deegaanka Sergio Costa.

‘Waxaa lagu manneystay awood khaas ah’

Hay’adda WWF Italy, oo u doodda xuquuqda xayawaanka ee caalamka ayaa su’aal galisay sida uu xayawaankan uga booday xeyndaab koronto ku xirantahay, waxayna sheegtay in sida ay u badantahay “aysan korontodau si wanaagsan u shaqeyneynin, maadaama oorsadu aysan ahayn xayawaan duula”.

.Lahaanshaha sawirkaALAMY
Image captionHay’adaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa taageero u muujiyay

Sidoo kale hay’ad kale oo ka shaqeysa arrimaha xayawaannada ayaa ku amaantay habka uu u baxsaday, halka warbaahinta dalka Talyaanigana ay la barbar dhigeen filim baxsasho ku saabsanaa oo la jilay sanadkii 1963-kii.

“Sida xaqiiqada ah, M49 wuxuu u baxsaday si caqliyeysan… waana xayawaan lagu manneystay awood khaas ah”, ayey tidhi hay’addu.

Michela Vittoria Brambilla, oo madax ka ah ururka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka ee Talyaaniga ayaa farriin uu u diray M49 ku yidhi: “Orod oo naftaada badbaadso!”

Dhanka kale, xayawaankan ayaa taageero weyn ka helay dadka isticmaala baraha xiriirka bulshada.

Halkudhig si weyn loogu faafiyay barta Twitter-ka ayaa micnihiisa laga dhigay “Baxso oo xornimo hel”.