Muxuu Shiinaha u soo saaraa cabitaankan u dhahama sida caanaha?

Jaceylka ay dadka Shiinaha u qabaan caanaha ayaa sii krdhayay sanadihii u dambeeyay.

Dadka Shiinaha ku nool oo ay tiradooda ay ku dhawdahay 1.4 bilyan oo qof ayaa imika ah dalka labaad ee isticmaala caanaha ugu badan ee la soo saaro. Shiinaha wuxuu soo dhoofsadaa naanaha si loo helo wax soo saar ku filan shacabka dalkaas.

Dalalka caanaha u dhoofiya Shinaha waxaa ka mid ah New Zealand iyo Jarmalka.

Arrinta xiisaha leh waxay tahay in qaar badan oo ka mid ah dadka Shiinaha si la mid ah kuwa kale ee Eeshiya ay caanaha ku xanuunsadaan marka ay cabaan. Waxay xanuun kala kulmaan dheef-shiidka.

Daraasad laga sameeyay Shiinaha, muujinaysaa in qiyaastii 92% boqolkiiba dadka waawayn ay dhibaato kala kulmaan cabidda caanaha.

Warbixin kale oo dhawaan ay soo saartay hay’ad ka shaqeysa arrimah daawada ayaa lagu sheegay in marka caruurta ay gaaraan 11 ilaa 13 sano, ay boqolkiiba 40% qiyaastii ay lumiyaan awooddii dhanka dheefshiidka.

Hadaba, sidee dhab ahaantii caanahan ku qulqulaya dalkaas yihiin, maxayna tahay sababta uu Shiinaha sidaa ugu farxo caanaha?

Inta badaneyd qarnigii 20-aad, isticmaalka caanaha ee dalka Shiinaha waxay ahayd arrin aad u hooseysay, waxaa sidaasi sheegay Thomas Dubois, oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Beijing Normal, wuxuuna darsay wax soo saarka dhanka caanaha ee dalkaas.

Shiinaha iyo Caanaha

Dadka waawayn ee Shiinaha ayaa u arkayay in caanaha ay yihiin kuwa loogu talagalay caruurta oo kali ah.

Waxaa dalka Shiinaha ka jira tira aad u yar oo ku nool waqooyiga bari ee Shiinaha kuwaas oo dhaqda lo’da waxayna caanaha u iibgeeyaan dalka Ruushka gaar ahaan magaalada Harbin.

Sannadkii 1980-maadkii, caanaha la qaso ee dlka Shiinaha waxay ahaayeen kuwa caafimaad leh waxaana la siin jiray oo kali ah caruurta iyo dadka da’da ah.

Horraantii 1980-maadkii, waxaa aad ugu yaraaday caanaha waxayna dadka saf u gali jireen sidii ay u heli lahaayeen caano.

“Xaqiiqadii waxaa go’aan laga gaari jira inta caano ah ee aad helayso,” ayuu yiri Dubois.

Markii al soo gaaray sannadkii 1990-kii, iyo horraantii 2000, waxaa fududaatay in la helo caanaha dalkaasi Shiinaha.

Waxaa laga dhisay warshado sameeya caanaha. Qaar ka mid ah warshadahaas waa kuwa ugu waaweyn caalamka ee sameeya caanaha.

Xitaa fadeexaddii 2008, waxyaabihii lagu daray caanaha, si sare loogu qaado barootiinka, taa oo ay ku dhinteen 6 caruur ah ayna ku xanuunsadeen kumannaan kale, ma sababin in la joojiyo isticmaalka caanaha dalkaasi Shiinaha.

Carruurta Shiinaha way jecel yihiin caanaha

Thomas Dubois, oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Beijing, Shirkaddiisa Dubois waxay sheegtay in fadeexadaas ka dib, iibsiga caanaha ay hoos u dhaceen boqolkiiba 80%, tobankii maalmood ee ka dambeysay fadeexada, balse islamarkiiba hadana ay sare u kaceen tirada dadka isticmaala.

Caanaha iyo wax soo saarka kale ee la xiriira UHT oo waqtiga dheer dalkaas laga heli jiray, ayaa ah kuwa laga heli karo Shiinaha sidoo kalena raqiisa ah.

Hadaba sidee isula jaanqaadayaan in lagu xanuunsado caanaha sida ay Seynisyahannada sheegeen iyo dadka Isticmaala ee badan?

Prof Dubois wuxuu sheegay “in markii uu mashruucan caanaha bilaabayay uu dadka waydiin jiray sida ay ula tacaalaan dhibaatada dheefshiidka ee ay caanaha leeyihiin.” Wuxuu intaa ku daray “waxay iigu jawaabayeen haddii caanaha markii aan cabno ay na dhibayaan waan joojinaynaa.