Muxuu yahay Mashiinka dadka waaweyn u wanaagsan carruutana looga digay?

Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka ayaa uga digtay dadka inay joojiyaan isticmaalka mashiinka lagu ordo ee loo yaqaan Platonic.

Waaxda dowladda u qaabilsan bad-qabka qalabka ayaa sheegtay in 39 shil oo ay sababeen mashiinadaan ay dhaceen.

Sida ay sheegtay hay’addu, hal qof ayaa u dhintay mashiinka dartiis.

Waxaa la xaqiijiyay in hal qof uu dhintay bishii la soo dhaafay waxaana looga digay carruurta in aysan u soo dhowaan mashiinka.

Si kastaba ha noqotee, bayaan ka soo baxay hay’adda ilaalinta tayada alaabaha ayaa lagu sheegay in warkaan uu yahay mid runta ka fog oo u muuqda marinhabaabin.

Platon oo ah mashiinka lagu ardo ayaa dad badan guryaha ku isticmaalaan iyagoo ku sameeyo jir dhis.

Mashiinadaan ayaa qiimahoodu sare u kacay kadib markii dad badan guri joog noqdeen maadama dunida uu ka jiro fayraska karona oo dad badan ku qasbay in ay xaafadaha joogaan.

Muuqaal la baahiyay Sabtidii shalay ayaa lagu arkay muuqaal muujinaya ilmo lagu jiidayo mashiinka.

Bayaan ka soo baxay Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka,ayaa lagu sheegay in Mashiinku uu dhalaanka halis ku yahay loona baahanyahay in laga digtoonaado.

Hay’ada dhowrista tayada qalabka ayaa sheegtay in mid ka mid ah 39-ka shil ee dhacay xili uu waalid uu isticmaalayay Mashiinka.

Warbixinta ayaa lagu yiri waxaa wanaagsan in caruurta laga fogeeyo mashiinada marka ay waalidiintu isticmaalayaan .

Dadka waaweyn ee isticmaala Mashiinka oradka ayaa lagula taliyay in ay qolalka xirtaan xiliyada ay ku ordayaan mashinka .

Carruurta looga digay Mashiinkaan ayaa ah kuwa da’doodau ka yartahay 16 jirka.