Nabadoon Guure: Kacdoon dadweyne ayaa ka soo socda Dhuusamareeb & Wararkii ugu danbeeyay Xalada

Nabadoon Cabdi Guure Cali ayaa si kulul kaga hadlay xaaladda adag ee labadii maalmood ee ugu dambeysay ku soo korodhay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug, iminkana ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay caburin ka waddo Magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoon Cabdi Guure ayaa sheegay Ciidamadii Dowladda ee habeen hore lagu soo daadiyay Magaalada Dhuusamareeb inay qalqal-geliyeen bulshada degan magaaladaasi.

Wuxuu sheegay inay markii ugu horeysay noqonayso muddo laba iyo toban sano ah in dadka reer Dhuusamareeb loo diido inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Sidoo kale waxaa uu carab dhabay in marxalad aan wanaagsanayn ay ka soo fool leedahay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu ku taliyay in ciidamada laga dulqaado dadka deegaanka.

“Saan-saanta iiga muuqata Magaalada Dhuusamareeb mid fiican maaha. Kacdoon dadweynaa ka soo socda Dhuusamareeb, haddii aysan shacabka ka dulqaadin saddexda kunee askari ee la dulkeenay.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure.

Nabadoon Guure oo la hadlay Warbaahinta ayaa yiri “Doorashadii ayaad ka afduubateen, hadana ma waxaad ugu daraysaan inaad guryahooda ku xabistaan?”

Bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusmaareeb ayaa kuu sheegaysa inay Jimcihii u ahayd maalin adag, ka dib markii laga hor istaagay inay gaadiidka isticmaalaan, iyadoo ay qaybtooda lugeynayeen, halka in kalena aanay albaabka guryahooda soo dhaafin.