Nin marka uu hurdayo sameeya wax uusan sameyn karin isagoo soo jeeda

Sida caadiga ah, maskaxda bani’aadanka way howlgabtaa marka uu qofku seexdo, laakiin sheekada ku saabsan ninkan marka uu hurdo ay maskaxdiisa shaqeyso ayaa noqotay mid lagu jahwareersan yahay.

Lee Hadwin, oo u dhashay dalka Ingiriiska, markii uu afar sano jiray wuxuu ku feegaari jiray darbiyada.

Taasi waa wax caadi ah oo aan layaab lahayn, laakiin isagu sidaas wuu ka duwanaa.

Marka uu feegaarkaas sameynayo isagoo 4 jir ah waxay ahayd xilli uu hurdo, taasoo dad badan ay u arkaan arrin mucjiso ah.

Markii uu sii weynaaday, Lee wuxuu sii bartay inuu wax la fahmi karo sawiro, ilaa markii dambe uu noqday farshaxamiiste xirfaddiisu sarreyso.

Balse waxa layaabka leh ayaa ah in Lee uu farshaxamiiste yahay marka uu hurdo oo kaliya, hase yeeshee, marka uu soo jeedo uusan waxaas sameyn karin.

.
Image captionLee waa farshaxamiiste ay xirfaddiisu ku egtahay hurdada

Isagoo 15 sano jira ayuu gacantiisa ku xardhay saddex sawir oo muujinaya atariishadii reer Mareykan ee lagu magacaabi jiray Marylin Monroe, laakiin waxay ahayd mar uu hurdo ku jiray, markii uu soo kacayna waxba kama uusan xasuusan karin sidii uu u sameeyay farshaxankaas quruxda badan.

“Waagii hore habeen saq dhexe intaan soo istaago ayaan si aan loo meel dayin darbiyada ugu feegaari jiray laakiin markii aan 15 jirsaday ayuu feegaarkeygii noqday farshaxan sax ah”, ayuu yidhi Lee.

Ninkan wax fikrad ah kama heysto sida ay waxaasoo dhan u dhacayaan, waa looga sheekeeyaa uun, wixii uu xardhayna waxaa la tusaa marka uu hurdada ka kaco.

“Run ahaantii, waxa kaliya oo aan ogahay waa inaanan xirfad farshaxan lahayn marka aan soo jeedo, xitaa markii aan iskuulka dhiganayay ma jeclaan jirin maadooyinka farshaxanka, sidaas darteed waxay ila tahay in arrintan ay tahay mid layaab leh.

.
Image captionFarshaxanka uu hurdada ku sameeyo waa mid cajiib ah

In qofku isagoo hurda uu socdo ama isagoo hurda uu hadlo waa wax horay loo arki jiray meelo bandanna ka dhaca, laakiin qof hurda oo farshaxan sameynaya lama arki jirin.

Maxaa lagu tilmaami karaa qof marka uu soo jeedo xirfad uusan lahayn ay kusoo dagto marka uu hurdo?

Barfasoor Penny Lewis oo ka tirsan jaamacadda Cardiff ayaa sharraxaad ka bixineysa: “In qofku isagoo hurda uu socdo waxaa sabab u noqota maskaxdiisa oo xilliga hurdada aan si isku dheeli tiran howsha u joojinin, waxay ila tahay isla arrintaas ayaa sharraxaad u noqon karta xaaladda xaaladda Lee”.