Odowaa oo warbixin kasoo saarey kulankii uu la yeeshay safiirka Mareykanka

Cabdiraxmaan Odowaa, murashaxa xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu warbixin kasoo saarey kulankii uu Muqdisho kula yeeshay, Donald Yamamota, safiirka Mareykanka.

Hoos ka akhriso qoraal uu Facebook-ga soo dhigay

Kulanka Safiirka Maraykanka

Waxaan maanta la kulmay safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Donald Yamomoto.

Waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo doorashooyinka Galmudug.

Waxaan ka wadahadlnay baahida loo qabo in nidaamka doorashada uu noqdo mid daahfuran oo xor ah.

Waxaan muujinnay walaaca ka jiro go’aannada halka dhinac ee ay adeegsanayso dowladda federaalka oo wadata murashax u gaar ah muuqatana inay adeegsanayso awood ciidan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyadoo aan wax tixgelin ah la siinin saamilayda siyaasadeed ee deegaanka.

Waxaan isla garannay in hannaan loo dhan yahay uu horseedi karo Galmudug loo dhan yahay.