Ogoow halka waddo ee furan mar haddii uu fashilmay shirkii madaxda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada

Shirkii wadatashiga qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka ayaa u muuqda in uu miro dhal noqon la’yahay kaddib markii ay dhinacyada isku fahmi waayeen qodobbadii laga hadlayay.

.

Dowladda Soomaaliya ayaa madaxda Jubaland iyo Puntland ku eedeysay in uu dhankooda ka socon waayay shirka xalka loogu raadinayay khilaafka doorashada. Hase yeeshee Madaxweyneyaasha labadaas maamul goboleed, Axmed Maxaed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa iyagana dhankooda dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan diyaar u ahayn xalka.

Beesha Caalamka ayaa in muddo ah dadaal ugu jirtay inay hoggaamiyeyaasha isku af gartaan hannaanka doorashada islamarkaana dhammeystiraan heshiiskii September 17, 2020.

Dad badan waxay hadda isweydiinayaan tallaabada xigi karta haddii uu fashilmo shirka madaxda iyadoo wali aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafka doorashada ka dib dhacday waqtigeeda.

Maxay tidhi dowladda federaalka?

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Abuukar Cismaan Dubbe ayaa mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubalad ku dhaliilay in markii hore “ay diideen doorasho qof iyo cod ah kaddibna ay ay fulin waayeen heshiiskii ay saxiixeen ee September 17, 2020”

.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaallo badan ku bixisay xal u helidda xaaladda doorashada laakiin “mar walba ay wax ka socon waayeen dhinaca Puntland iyo Jubaland”.

“Si loo dardar galiyo hirgalinta heshiiska 17-kii September, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeeray kulamo badan oo is daba joog ah laakiin nasiib darro madaxda Jubaland iyo Puntland way ka baaqsadeen kumadaas marka laga reebo kii sama reeb oo ay la yimaadeen shuruudo cusub,” ayuu yidhi wasiir Abuukar Duube.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay muqdisho ayuu wasiirku ku yidhi: “Markii shirkii Afisyoone ee saddexdii April ay markii koowaad ka qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland waxay keeneen caqabado ay kow ka tahay inay duraan baarlamaanka oo ah sharciyadda dalka ugu sarreysa iyagoo sheegaya inuu waqtigiisu dhammaaday.”

Wasiirka Warfaafinta intaas ku daray: “Wax walba oo la sameeyay markii ay natiijo la’aan kasoo baxday oo maalin walba shuruudo cusub imaadeen, ugu dambeyn xukuumaddu waxay maanta u caddeyneysaa umadda Soomaaliyeed in labada madaxweyne goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin inay dalkan ka dhacdo doorasho uu aasaaskeedu yahay 17-kii September iyo isfahambii 16-kii February, waana wax laga xumaado in labadaas madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggoleyn.”

Maxay arrintan ka dhaheen Punrland iyo Jubaland?

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo warbaahinta la hadlay isagoo ay garab taagnaayeen wasiirro ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in labada maamul aysan dhankooda ka warqabin fashil ku yimid shirkii Muqdisho, balse ay warbaahinta uun ka arkeen wasiir Dubbe oo sheegaya arrintaas.

.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegaynaa in aanu jirin shir fashilmay oo ay og yihiin dowladaha Jubaland iyo Puntland. Madaxda dowladaha Jubaland iyo Puntkand waxay muddo bil ah Caasimadda u joogeen qaabkii ay Soomaali u aadi lahayd doorashooyinkii la sugayay ee dib u dhaca badan ku yimid.”

Timacadde wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay kusoo kala tageen in lasoo kala tashado.

.

“Maanta oo ay ahayd maalintii ugu rajada rooneyd oo aannu fileynay inay noqoto maalintii la isku raaci lahaa qaabkii doorashada loo aadi lahaa shirka wuxuu madaxweynaha xilligiisu dhammaaday kusoo xiray in lasoo kala nasto oo lasoo kala tashado.”

Maxay tahay waddada furan shirka fashilmay kaddib?

Markii la isku fahmi waayay kulamadii madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada Juabaland iyo Puntland, waxaa qof walba maskaxdiisa ka guuxaysa tallaabada xigta ee la qaadi karo.

Daahir Qoriyow Isaaq oo wax badan la socda siyaasadda Soomaaliya, ayaa BBC-da uga warramay waxa loo fasiran karo hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Waxaa loo fasiran karaa in arrimihii dhacayay oo dhan ay ahaayeen i jiid aan ku jiido, oo iska gacmo daalis ah. Waxaa wanaagsaneyd inuu kasoo baxo war natiijo leh oo dadka Soomaaliyeed ka farxiya. Labada dhinacba iyagoo muddo badan halkaas wada joogay inay natiijadaas kasoo baxdo waa laga fiicnaa,” ayuu yidhi.

Falanqeeyaha siyaasadeed ayaa sheegay in jidka kaliya ee hadda furan uu yahay “in Baarlamaanka Federaalka uu go’aan ka gaaro xal u helidda khilaafka doorashada”.

.

“Waxay ila tahay, maadaama dowladdii dhexe iyo maamul goboleedyadii ay waayeen xal in hadda xalka laga raadiyo baarlamaanka xagiisa. Waa in la aado baarlamaanka maadaama ay iyagu yihiin sharci dajintii. Waxaa fiicnaan lahayd maanta haddii ay jirto maxkamadda dastuuriga ah oo la aadi lahaa.

“Marka hadda Golaha Sharci dajinta oo labada dhinacba ay taageerayaal ku leeyihiin ayay tahay in la weydiiyo waddanka samata bixintiisa oo ay ka sheekeystaan sidii waddankan uu doorasho u aadi lahaa,” ayuu yidhi Daahir Qoriyoow.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Xigasho: BBC Somali