PhD baan ka haystaa xisaabta hadana tiro afar ah iskuma qaybin karo!

Clara Grima waxay xasuusataa daqiiqadii ay goosatay in aanay bare jaamacadeed oo xisaabta keli ah dhiga aanay noqon ee, in ay xataa dadka jeclaysiiso.

Waxay ahayd 2011-kii markii inankeeda ugu yar, Ventura, oo markaa lix jir ahaa weydiiyey calaamad ku taalay funaanad ay xidhnayd, waxay tahay.

“Ma miis baa mise waa gool kubadeed?”

Midna ma ahayn. Waxay ahayd calaamada pi.

Wada hadalkoodkii wuxu ku dhamaaday in Ventura go’aansaday in “waxa aan dhamaadka lahayni yahay wax ay xisaabyahannadu ikhtiraaceen markii ay ka daaleen tirada”.

PiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionPi

Maalin kasta xisaab ilaa tallaalka Facebook

“Waxay xisaabtu ku wanaagsan tahay waa fikirka, inaad wax u qabato si aan mishiinadu u shaqayn karin,” ayay Grima BBC u sheegtay.

Tan iyo waagaa, barahan Spanish-ka ahi cilmi baadhis uun may qorayne laakiin waxa kale oo ay wakhtigeeda u hurtay in ay buugaagta jeclaysiiso carruurta iyo dadka waaweyn ba.

Buugeedii ugu dambeeyey oo la yidhaa “May mathematics be with you!” oo soo baxay 2018-kii wuxuu muujinayaa marxalado kala duwan oo ay suurto gal tahay in lagu helo xisaabta – tallaalka illaa Facebook.

línea
.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Buuggii ugu dambeeyey waxaad ku sheegtay in xisaabtu ciyaar tahay oo aad u baahan tahay in aad “barato sidii aad u ciyaari lahayd”. Maxay aragtidaa ciyaarta ah aysan dadka badankiisu u qabin?

In kasta oo ay adag tahay, waa inaan hadana qiraa in aanay xisaabtu sumacad fiican lahayn umana qalanto sidaa.

Waxaan cilmi baadhe iyo bare jaamacadeed ahaa illaa 1995 waxaanan bilaabay inaan xisaabta carruurta jeclaysiiyo sannadkii 2011-kii.

Waana sababtaa sida aan caruurta shan jirka ama lix jirka ah ula kulmo ee igu yidhaa ma jeclin xisaabta.

Had iyo goor waxaan weydiiyaa su’aal isku mid ah: “Hadaanad iskuba deyin maxaad ku ogaan kartaa?”

Ka dib ayaan ogaaday in carruurtu nacaybka xisaabtu galo iyagoo aan bilaabin ba sababtuna waa deegaanka ay ku nool yihiin iyo bulshada.

Way fiicantahay in uu qofku faano, in aanu xisaabta aqoon. Dadka caanka ayaa telefishannada iyo Youtub ka sheega.

Arintaasi caruurtay maanka ka gashaa.

,Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Laakiin kiiskani kaagii maaha- had iyo goor waad jeclayd xisaabta oo xitaa mararka qaar noloshaadey “cuntay”

Haa waan jeclaa xisaabta ilaa markaan yaraa.

Aniga waxay ii ahayd ciyaar, wax la yaab ah ayey ii ahayd.

Waxaan si fiican u xasuustaa markii ugu horaysay ee aan isleeg ka shaqeeyey ah nooca x+2=4.

Waxaan xusuustaa aniga oo fasalka ka dhex qaylinaya: “kaalay arag! Wax baan ogaaday!”

Laakiin runtu waa in aan doonayey in aan noqdo faylasuuf, sidoo kale waxan jeclaa inaa wax qoro.

Macalinkaygii falsafada ayuu ahaa kii igu yidhi ‘xisaabta baro waayo waad ku fiicnaa shaqana dhakhsaad ugu heli’.

Aad buu u saxnaa.

GraphLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionGraphs can explain social relations, including those on Facebook, Grima says

Waxa ugu horeeye ee xisaabtu i siisay waa is dhul dhigid, qabkaygii ayay si arxan darro ah iiga saartay sababta oo ah sidaan is moodayey ba maan ahayn.

Markaan ogaaday quruxda xisaabta ayaan bartay in aan si kale dunida u arko.

Cilmi baadhe ahaan waxaad ka shaqaysay aragtida garaafka oo aad qaybo badan oo buugaaga ah ku xustay. Si sahlan ma u sharixi kartaa?

Garaaf waa shax xisaabeed oo ka samaysan laba urur; dhinco iyo jiitimo kuwaas oo isku xidha laba dhibcood.

.Lahaanshaha sawirkaANDREW BEVERIDGE AND JIE SHAN

Facebook ayaan tusaale u soo qaadan karnaa. Qof kasta oo isticmaalaya waa dhibic, labada qof ee saaxiibka ku ahna waxa lagu muujiyaa xariijin isku xidha.

Waxaanay taasi ina tusaysaa sawirka: waana garaaf.

Gaeaafka wuu weynaan karaa sababtoo ah Facebook oo kale, dad laba bilyan oo qof ah baa adeegsada.

Laakiin waxa jira garaafyo yaryar: Hadalkayga waxaan ku sheegay in dhibic kasta noqon karto qof ka mid ah dadka goobta fadhiya.

Hadii laba ka mid ahi is garanayaana xariijin baad iskugu xidhaysaa.

Waxay taasi ku siinaysaa muuqaalka xidhiidhka bulsho ee jira.

Waxaad aragtida gafraaf u adeegsatay inaan ku sharaxdo waxyaabo ku jira musalsalka Game of Thrones illaa ololaha talaalka. hadii ay aragti sidaa u faadiido leh tahay maxaa iskuulada loogu dhigi waayey?

Waxaan shahaadada jaamacadda qaatay anigoon arag garaaf.

laakiin markaan bilaabay inaan xisaabta dadka jeclaysiiyo ayaan si dhakhso a u bilaabay inaan garaafka ka hadlo.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Waxaan markaa ogaaday inuu yahay wax faa’iido badan oo kuu fududaynaya in aad si fiican u furfurto masalooyinka xisaabta – si aad u furfurtid xisaabaha kakan ee carruurta lagu qasbo in ay markasta ka shaqeeyaan.

Waxa jiro waa dhibaatada furfurista masalooyinka iyadoo la adeegsanayo garaaf iyo male, ma ahaan kartida xisaabinta oo run ahaantii ah wax lagu caajiso oo billaa faa’iido ah.

Kombuyuutarkaa si fiican u qabta.

Aniga mashiinka dharka ayaa si fiican wax iigu maydha, baabuurtaa si fiican u socdaala weligayna halkaa gaadhi maayo, isku darkana isagaa iga dhakhso badan.

Waxaan PHD ku haystaa xisaabta hadana iskuma qaybin karo tiro sadeex god ah, xataa dusha kama shaqayn karo masalo xididka laba jiraaban ah.

Quruxda xisaabtu waa in la fikiro, waa in aad qabato wax aanay mishiinadu samayn karo.

.Lahaanshaha sawirkaARIEL PUBLISHING
Image caption.

Waxa kale oo lagugu sheegaa in aan adigu heshay aragida la yidhaa innumeracy. Waa maxay bal dhibaatadeeda faafhaahi?

Aragtida Innumeracy waa eray uu sameeyey Douglas Hofstadter oo uu caan ka dhigay John Allen Paulos buugiisa ‘Innumeracy – Aqoon la’aanta xisaabta iypo sameyneeda ee 1988.

Waa garasho la’aanta fikradda aasaasiga ah ee xisaabta oo dhawr heer oo khatar ah leh. Inaan la ogaan, in aan qofku xisaabin karin boqolayda, inaanu fahmayn garaafka.

Tuusale ahaan: dalka Spain waxa dhaqan ah in tigidho laga iibsado bakhtiyaa nasiibka Kirismaska.

Waxa jira dad safaf u gala goobo gaar ah oo ay is leeyihiin waa suurto gal inaad ka heshaan.

Waxay taasi muujinaysaa innumeracy (aqoon la’aanta xisaabta) in ay sannad kasta dhacdo.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Laakiin wakhtiga uun baad iska luminaysaa oo nooloshaada waxba saamayn kuma laha.

Waxay ka sii daran tahay marka lagugu khiyaameeyo banki ama goob kale oo maaliyadeed ama shaqo.

Waa maxay “Khilaaliga aqlabiyadda” sideed adigu u qeexday? Sidey arintani u xumaysaa xidhiidhka bulshada?

Way yara kakan tahay marka la barbar dhigo tiro la’aanta

Waa waxa ay ku sheegaan ceeryaan.

Waxay dhacdaa marka koox bulsho ah oo jirta ama mala awaal ah.

Waxay dhacadaa marka shabakadaha bulshadu ay leeyihiin awooda tabinta wararka beenta ah ama ku tidhi ku teenta ee aan la xaqiijin karin.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dhibaatadu waxay tahay in ay adagtahay in la ogaado xisaabta aan la aqoon iyo saameynteeda.

Warka markuusan sal lahayn, waa dadaal ay tahay inaan dhamaanteen samayno.

Ka dibna dhanka kale waxay ina baraysa in aynu dadka u naxno.

Way fududahay in la yidhaa koox aanad ka mid ahayn, go’aamo xun bay gaadhaa.

Laakiin waxa suurto gal ah inaanay arkayn, sababta oo ah waa dhalaal habaabis oo saamaynaysa.

Waana sababta ay tahay sida ugu fiican in qofku ka baxo ceeryanta ama mala awaalkaa uu ku jiro oo dadka u naxo.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Waa maxay isleegta ay carruurtu had iyo goor ku waydiiyaan?

Markaan idhaa, waxan ahay cilmi baadhe xisaabeed waxay igu yidhaahdaan “laakiin maxaad ku ogaanaysaa? Waanu ognahay in laba laba loo geeyey afar tahaye”.

Waxyaabo badan oo la ogaan karo ayaa jira waayo xisaabtu tirada way dhaafsan tahay.

Xaqiiqatan wax badan baa ka maqan. Wax kasta oo la ogaadaa albaab cusub buu furayaa.

Waxa ka dambeeya albaabkaa furmay guri weyn oo albaabo bada leh oo ay tahay in la wada furo si cilmiga loo sii ballaadhiyo.

Maxaad uga jeedaa, doodda xisaabta ee ah in wax la ogaaday iyo in la hindisay keebaad taageersantahay?

Waxa xisaabta ka mid ah qayb cad oo natiijadeedu tahay in la ogaan karo maskaxda qofka ee laga hindisay.

Waxaan soo qaadanaa tirada, garaafyada iyo farsamooyinka kuwaas oo walxaha maanta jira ah.

Waxaan hindisnaa xeerarka ciyaarta kuwaas oo ah sida loo sameeyo sida la iskugu dhufto iyo sida la isugu qaybiyo.

Sharciyadaa iyo ciyaarta waxaan ka soo saaraynaa astaamo ay leeyihiin.

Albert EinsteinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionAlbert Einstein

Waxa kale oo jirta qaybta xisaabta ah ee aan ku helno waxyaabaha dabeecadda ah.

Markii hore waxaa loo haystay in joometeri oo kali ahi jiray oo ahaa Euclidean geometry ee ah kan aynu wada garanayno ee labada xariijimood ee is barbar socdaa ay kulamaan ah.

Maalin ayaa qof ka fikiray: “hadii aan doonayno inaan ikhtiraacno joomateri oo aan ahayn ka xariijimaha is babarbar socdaa kama dambaysta ay kulmaan”.

Waxay u muuqatay wax aan maskaxdu fahmi karin oo la sameeyey waagaa.

Laakiin markii dambe ayaa Albert Einstein macneeyey meesha iyo wakhtiga waxaanay noqotay in koonku arrintaa cadeeyey inay sax tahay: waa xisaabta qarsoon.

.Lahaanshaha sawirkaUNIVERSIDAD DE SEVILLA
Image caption.

Miyaanad qayb ka ahayn ikhtiraaca shax cusub oo joometeri ah?

Sannadkii 2018-kii ayay koox cilmi baadheyaal ah oo aanku jiray helnay shaxda joometeri ee la yidhaa Scutoid taa oo saamayn culus yeelatay.

Waxaa iska kaashaday culimada bayoolojiga ee uniga oo noogu yeedhay sababtuna waxay doonayeen in ay ogaadaan sida ay u eeqi karaan qaabka uu u samaysan yahay unugga epithelial, kaas oo ah nud xubnaha jidhkoo dhan ku giblan.

Markaanu bilawnay inaanu qeexno shacdaa joometeri waxaanu garawsanay in qaabkaasi hore u jirin.

Waan ikhtiraaci karaa shax joometeri laakiin kan anagu maanu ikhtiraacin. Waxaanu eegnay uun unugga epithelial waxaanan ka goaanay qaabkaas uu u dhisanyahay.

Marar badan ayaanu xisaab ikhtiraacnaa mararka qaarna waxaanu ka helnaa inaanu koonka uun u fiirsano.

Ama sida dhacdan gaarka ah oo kale waxaanu ku ogaanay in aanu eegnay ganjaha candhuufta ee dikhsiga khudradda laakiin arintaasi wax soo jiidasho leh maaha.