Puntland oo ka hadashay weerarka lagu dilay Guddoomiyaha & Wararkii ugu danbeeyay

Kadib markii xalay Kooxda Daacish weerar ay ku qaadeen degmada Degmada Balli-dhidin ee Gobalka Bari ay ku dileen guddoomiyihii degmadaas ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa u tacsiyadeeyay Ehellada iyo saaxiibadii uu ka geeriyooday gudoomiyihii Degmada Balli-dhidin ee Gobalka Bari, Maxamed Axmed Muumin..

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxaa lagu yiri”

oo ku hadlaaya magaciisa, kan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyaha  Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.