Wararkii ugu danbeeyay: Qarax ka dhacay Bakool oo lagu dilay 6 culimo ah Qur`aan akhris ugu socday!

Lix qof oo rayid ah ayaa ku dhintay labo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay miino kula kacday deegaanka Ideed Tuuri oo qiyaaskii 28 km waqooyi uga beegan magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xudur, sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladda.

Dadka dhintay oo culimo ahaa lana socday mootada saddexda lugood leh ayaa ka yimid tuulada Banjinaay iyagoo ku sii jeeday miyiga tuulada Aboore oo ay Qur`aan akhris ugu socdeen, kahor inta aysan miinadu ku qarxin xalay fiidkii.

Maydadka lixda qof ayaa la aasay iyadoo dhaawaca labada qof la dhigay isbitaalka magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidanka amaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku baxay goobta qaraxu ka dhacay waxa ayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas`uuliyadda qaraxa, waxaase jirta in waddooyinka gobolka ay galiyaan miinooyinka noocan oo kale ah xooggaga Al-Shabaab oo bartilmaameedsada ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.