Qarax ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay deegaanka loo dalxiis tago ee Jaziira duleedka Magaalada Muqdisho ayaa geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhacay Bar koontarool oo ku leeyihiin deegaanka Jaziira ciidamo Booliska ah uuna halkaas ku dhintey askari ka tirsan ciidamada halka qaar kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Hase yeeshee,Guddoomiyaha deegaanka Jasiira Xuseen Jilacow Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidanka amniga deegaanka, uuna ku dhintay hal Askari, isla markaana uusan jirin khasaaro kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgal lagu xaqiijinayo amniga deegaanka ay halkaas ka wadaan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Deegaanka Jaziira ayaa waxaa u damaashaad taga kumanaan ruux toddobaad walba gaar ahaan maalmaha khamiista iyo Jimcaha.