Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho

Qaraxyo ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile sida wararka degaankaas ka imanaya ay sheegayaan.

Ugu yaraan labo qarax ayaa la sheegay iney ka dhaceen meel ku dhow rugta saraakiisha, iyadoo rasaas xoogan laga maqlayo agagaarka xeryaha ciidamada gaar ahaan Oodweyne iyo nawaaxigeeda.

Goob joogayaal ku sugan degmada Dayniile ayaa sheegaya in qaraxyada iyo rasaasta ay ahaayeen kuwo isxigay.

Illaa hadda ma jiraan wax faahfaahin ah oo laga helayo qaraxyada iyo rasaasta ka dambeysay, lamana oga khasaare ka dhashay inuu jiro iyo in kale.

La soco wixii soo kordha Insha ALLAAH