Qodobada ugu adag ee Farmaajo iyo Rooble isku mari la’yihiin+shirka oo qarka u saaran iney ku kala tagaan

Shirkii ugu waqtiga dheeraa ee maanta lagu dhex dhexaadinayay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowr weji galay, iyadoo goor sii horeysay guddi labada dhinac ka kala socdo loo saaray inay ka soo doodaan qodobada la isku hayay, si ay heshiis uga soo gaaraan war Murtiyeedka.

Guddiga Madaxweynaha ka socday ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin, halka dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, waxaana korjooge ka ahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in guddigan labada dhinac ay isla fahmeen qodobada qaar, hase ahaatee qodobka la isku hayay ayaa ahaa arrinta Taliyaha NISA oo Guddiga ka socday Madaxweynaha dalbadeen in labada Taliye la isla bixiyo oo loo daayo Madaxweynaha inuu soo magacaabo, hase ahaatee ay diideen dhanka Guddiga Ra’iisul Wasaaraha oo soo jeediyay haddii labada taliye la isla bixinayo ay tahay in laga heshiiyo oo laga tala geliyo Ra’iisul Wasaaraha oo cida la keenayo lagu qanacsan yahay.

Intii uu socday kulankii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble, waxaa lasoo warinayaa in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu dhowr jeer u baxay in uu ku hadlo Telephone waxa ayna sababtay in Farmaajo uu caawa ka laabto qaar kamid ah qodobadii heshiiska la gaaray galabta, iyadoo hadda xaalku aad u adag yahay.

Arrinta ugu adag ee la isku fahmi la’yahay Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble ayaa ah Taliska NISA iyo Cadaald u helida kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ku maqan gacanta NISA.

Intaas kaddib markii ay is mari waayeen guddiga labada dhinac ayay doodda u gudubtay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo haatan ay ka shirsan yihiin arrinta Taliyaha NISA.