Qofkii ugu horeeyay oo coronavirus ugu geeriyooday Muqdisho”Waa kuma shaqsigaas?

Ilo wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijinaya in Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho uu ku dhintay qofkii ugu horeeyay ee Muqdisho ugu geeriyooda Coronavirus.

Waxaa lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed oo 58-jir ahaa , waana aabaha dhalay agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif Maxamed.

Allaha u naxariistee Shariif ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ay shaaciso inuu qabo Caabuqa Coronavirus, kaasi oo ah qof aan dalka ka bixin, balse Magaalada gudaheeda ka soo qaaday xanuunkaan.

Wasaaradda Caafimaadka somaliya wali si sax ah uma aysan xaqiijin kiiskaan dhimashada ee la xiriira Coronavirus, balse masuuliyiinta Wasaaradda ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintaan.

Muqdisho kama jiro taxadar badan oo ku aadan ka hortagga xanuunkaan, waxaana xaaladda Magaalada ay tahay mid caadi ah, marka la fiiriyo isu socodka dadweynaha Magaalada.