Raali galinta Kheyre: Dhisme mise dhaawac siyaasadeed?

Raysul wasaarihii hore ee dalka mudane Xasan Cali kheyre ayaa xalay fiidki bogaggiisa baraha bulshada kusoo qoray in uu gurigiisa ugu tagay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ujeeddada booqashada ayuu Kheyre ku sheegay in ay ahayd raalligalin uu Cabdiraxmaan ka siiyay dhacdadii 17’ki Disember 2017. Dhacdadaas waxay ahayd weerar lagu qaaday hoyga CC shakuur xilli habayn ah. Sida uu sheegay CC Shakuur, waxaa habaynkaas la dilay afar dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ilaaladiisa. Dhallintaas ayaa si bareer ah loo dilay iyagoon wax iska cabbin ama gacan-qaad ah samayn sida uu sheegay mudane Shakuur. Waxaa dilka loogu sii daray, sida uu marar badan sheegay, mudane Shakuur, in maydkoodi lala tagay oo meel aan la aqoon lagu aasay iyadoon xataa lagu tukan. Taasoo hadday jirto, xadgudub iyo meel ka dhac weyn ku ah walaalahaas Soomaaliyeed, qoyskoodi, qaraabadoodi iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaa kaloo habaynkaas dhacay boob hanti badan oo, sida uu mudane Shakuur sheegtay, lacag caddaan ah, dhar, baraafuunno iyo hanti kalaba ka koobnayd.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa madixii laanta fulinta dalka waqtigaas. Wuxuu ahaa ninka ugu mudan ee wax ka ogaan karay ama talo toos ah ku yeelan karay. Dhacdadaas, oo dowladdu qiratay in ay ahayd khalad dhacay la iskuna dayay in odayaal beeleed lagala xaajoodo iyadoon ruuxi sida tooska ah loo dhibaateeyay aan looga tagin, ayuu mudane Shakuur eeddeeda saari jiray mudane Kheyre iyo Farmaajo oo is wato. Eeddayntaasuna waa mid xaq ah waayo cid walba oo ficilka lahayd masuuliyadda waxaa qaadayo cidda ugu sarrayso xafiiska amar bixinta taasoo ka dhigayso in Kheyre yahay milkiilaha eedda Farmaajana uga sarreeyo masuuliyaddeeda. Kheyre intuu xilka hayay hal marna kama garaabin arrintaas iskumana dayin inuu la fadhiisto mudane Shakuur oo tacsina Allaha ka dhigee u geeyo. Marar badan wuxuuba u hadli jiray in ay mudane Shakuur tusaale uga dhigeen kuwa dalka loo adeegsado (waa luuqaddii Kheyre waaguu xilka hayay).

Haddaba hoyashadaan Kheyre ma daahirinaysaa eedaymahaas? Mase noqonaysaa mid kabto ololihiisa uu ku doonayo kursiga dalka ugu sarreeyo? Mise wuxuu isu geestay dhaawac boogtii hore la suul-booddo isagoo dhinaca kalana dhibco dheeraad ah si bilaash ah ku siiyay ninka ay sida adag isu hayaan waa Farmaajo’e?

Waxaan qabaa in raalligalinta u baxshay Kheyre ay tahay babbaano uu ku dhuftay sumcaddiisi siyaasinnimo. Waa dharbaaxo si lama filaan ah uu ugu geystay qorshishii uu ku doonayay hanashada xilka. Si aan u fahanno halka aan tilmaamayo, aan falanqayno qaabka raalligalintu noqon karto.

Raalligalin macnaheedu waa in uu raalli noqdo qofka dhibka loo gaystay. Qofkaas inuu qanco waxay ka billaabataa in la qiro in wixii dhacay ay ahaayeen khalad. Haddaan khalad la qiran isu imaansho ma jirto. Ka dib waa in la qaataa masuuliyadda khaladkaas oo si cad loo yiraahdo, dhibkaas aan kuu geystay ayaan kaaga cudur-daaraynayaa sababahaas awgood. Haddii uusan ruuxu qaadan masuuliyadda khaladka wuxuu raalligalin ka bixiyo meesha ma yaallaan. Haddii uu khaladkaas qaatay, masuuliyaddeedina dusha u rito, qofka loo hoyday ayaa khiyaar u leh haye iyo maya. Midkii uu yiraahdaba, waxaa ka ratimmi xuquuq kale oo ku saabsan khasaarihi dhacay iyo dakanadi dhiigga maqan.

Xuquuqdaan qaar ruuxa loo hoyday ayaa dhaafi karo. Qaarna dad kale ayaa yeelan oo ama cafin ama dalban in lagala hadlo. Tusaale, mudane Shakuur lacagta iyo saacadihii laga qaatay wuu cafin karaa. Laakiin lacagaha kale ee la sheegay in habaynkaas rag kale laga qaatay iyo dhiigga dhallinti habaynkaas la dilay toona ma dhaafi karo mudane Shakuur. Xuquudaas, maaddaama dowladdu horay hab beelood uga xoojootay, inay xallisantay u badi oo Kheyre aan dhiig loo soo doonan ama aan loo dakanayn wiilashi mugdiga lagu aasay. Sidoo kale wuxuu helay laabxaarnaanta mudane Shakuur oo uu ku sheegay inuu u muujiyay walaaltinimo iyo soo dhaweyn.

Ha yeeshee ujeedki kulanka iyo qirashada danbiga wuxuu ahaa inuu dhiso muuqiisa siyaasadeed sarana u qaado magaciisa si uu kasbado shacbiyad badan. Taas inuu gaaray weeye midda doodu ka taagan tahay. Kheyre hadduu xalay intaas qirtay wuxuu noqday nin aan qaddiyad iyo mabda’ toona lahayn. Wuxuu isu sawiray nin ku shaqaynayay raallingalinta Farmaajo intuu xilka hayay, hadda oo uu ka tagayna, raalli ahaanshaha mudane Shakuur maciin biday. Haddii uu khaladka u muuqday xil-ka-qaadisti ka hor, uuse ku dhici waayay inuu walaalki bogsiisto, hoyashadiisa maanta macno ma leh. Ma filayo in Farmaajo ugu caroon lahaa maxaad CC Shakuur ula hadashay! Haddii se ay sax la ahayd weerarki dhacay walow jid khaldan loo maray, uuna isu arkayay inuu difaacayay dowladnimada Soomaaliya iyo jiritaanka dalka iyto dadkiisa, ma jirto sabab uu raalligalin uga siiyo mudane Shakuur arrin lagala xaajooday dad kale.

Taasu kama dhigna inuusan la heshiin ama uusan la kulmin mudane Shakuur. Hubaal wuu la kulmi karaa kuna dadaali karaa inuu kasbado. Laakiin taasu maahan raalligalin inuu bixiyo iyo ka toobad keenid shaqadii uu qaranka u hayay. Isagoo qabo inuu shaqo qaran hayay, sidaasna khalad ku dhacay, ayuu mudade Shakuur kala macaamili karaa wixii ka dhaxeeyo, shardina uma noqon karto ii soo hoyo inta aanan kula hadal.

Xaqiiqda erayada loo isticmaalay raallingalinta waa ay naga qarsoontahay. Haddii aan wada heli lahayn erayada uu yiri mudane Kheyre markii uu u hoyday mudane Shakuur wax badan ayaan ka fahmi lahayn xajmiga masuuliyadda uu qaatay. Ha yeeshee inta yar ee uu nala wadaagay waxay na tusaysaa inuu baxshay raalligalin buuxdo iyo cudurdaar. Taasoo ka dhigan wiixii dhacay 17’ki Disember 2017 anaa ka masuul ahaa, haddaan ogahay in aan xilka waayi doonana ma sameeyeen. Fasiraddaan waxaa na siinayo waqtiga uu raalligalinta keenay, halka ay ka dhacday iyo sida uu noogu soo tabiyay.

Warki oo kooban, raalligalinta uu baxshay Xasan Cali Kheyre waxay su’aalo badan ka dhalin doontaa nooca uu yahay, shaqsiyaddiisa, hal-adaygiisa, iyo nooca uu noqon lahaa dalka uu hoggaamiyo isagoo madaxweyne ah. Waxay shakin galinaysaa inuu maya dhihi lahaa kuwa damaca xun ka leh dalka iyo inta uu ku adkansan lahaa mowqifkiisa.

Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa ishire86@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Badweyn Online