Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Hal Arin Ka Cabsi Qaba Shirka Mucaaradka & Farmaajo

Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir ayaa Qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah Ee Facebook kaga hadlay wer wer uu qabo Ra’iisal Wasaaraha Shirka Maanta Villa Soomaaliya ka dhacaya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

Waxa soo xoogeysanaya calaamadaha muujinaya in wada hadalada maanta dhex mari doona hogaanka Madasha iyo Madaxweyne Farmajo ay welwel ku hayaan Raisal Wasaare Kheyre oo ka cabsi qaba khalkhal ku yimaada qorshihiisa ku aadan doorashooyinka 2020. Qorshaha Kheyre ayaa ah in uu damaciisa madaxtooyo shaaciyo xilkana iskaga fakado inta uusan Farmajo ka fikirin bedel ka fududeyn kara culeysyada siyaasadeed.

Istiraatijayadiisu dabcan waa in uu Farmajo u xanbaariyo wixii qaladaad iyo gaboodfal dalka ka dhacay isna ceeb ka saliim iska dhigo isagoo doonaya kuna doodaya in halka keliya ee wax laga sixi karaa ay tahay kursiga sare. La yaab se waxa ah sida taasi u suuro galeyso ee qaladaadka Xukuumadda magac iyo manfacba uu sida qasabka u muudsaday looga fakan karo ee daqiiqadda ugu danbeysa dhabarka loogu jeedin karo.

Ku fikirka fakadka noocan ah waa waali ama fuleynimo siyaasadeed midkood. Si uu u hubiyo in wax suldaareyn kara fakadka aysan uga soo bixin shirka maanta, Kheyre wuxuu isku dayi doonaa in uu kulanka ugu yaraan ku ciriirsado qaraabo salaanka sadexda Madaxweyne laakiin sow foolxumo kale oo weyn maaha in uu wejiga siiyo madax saaxiib dhow la ahayd oo lagu dhibaateeyay magaca Xukuumad uu hogaamiyo.

Isku soo xooriyoo, sabab loo werweraa aniga iima muuqato waxaanan hubaa in waxa miiska maanta saaran yihiin keliya ajendayaal qaran oo aan saameyn ku yeelan doonin kursigiisa xajiimeysan ee sababi gaarey Rwandeynta Somalia. Mar hadday sidaa tahay, ciriirsiga kulanka waxa Kheyre uga muuq roon isku boojeynta shaqooyinkii uu yaqaanay ee raadinta deyn-qaadashada (cafwan deyn-cafinta) iyo kharash ku bixinta kala qoqobka hoygiisa, Galmudug.

Malaha ma gaarin dardaarankii Ibrahim Gadhle ee ahaa “maalkaagu yuu noqon, musdanbeedka reerkiyo, makhsinkaad u hoyatiyo, masalaha Rasuulkiyo, mid Masaajid lagu gubo”.