Ra’isulwasaaraha UK oo saxiibadiisa Visaha Mareekanka loogu diiday sabab la’xariirto Somaliland

Sida oo baahiyay website caanka ah ee dailymail ee kasoo baxa dalka UK ayaa sheegay in saxiibada ra’isulwasaaraha dalka Ingiriiska loo diiday in ay booqato dalka Mareekanka.

Barred oo ah saxiibada ra’isulwasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa lasheegay in loo diiday dal ku galka mareekanka kadib markii la ogaaday in sanadii hore booqatay degaanada Somaliland.

Mareekanka ayaa hore usoo rogay xanibaad ah in dadka booqda dhulka soomaaliya in aan soo booqan doonin mareekanka mudo cayiman.

Xiriirka udhaxeeyay ra’isulwasaaraha cusub ee Uk iyo mareekanka ayaa aad u sareeyay waxaana guusha Boris siweyn usoo dhaweeyay madaxweyne Trump.

Xigasho dailymail