Rooble oo qaaday tallab ay ku aamini karaan dhinacyada siyaasadda Somalia iyo Guddi farsamo oo uu magacaabay

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddi Sare ee Farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo ka kooban todob xubnood.

Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisul Wasaare Rooble isaga oo ka cararaya xifaalatanka ka dhaxeeya NN iyo kooxaha mucaaradka ayaa wuxuu si amaah kusoo watay C/qaadir Cilmi oo 10 sano ay iskala shaqeynayeen hay’adda ILO.

C/qaadir waxaa uu hoggaamin doona kooxda fududeyn doonta howlaha doorashada 2021.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa door biday in uu kooxda fududeyn doonta doorashada inuu hogaamiyo qof aan sirihiisa la wadaagin kooxaha siyaasadda ku hardamaya, una kasbado kalsoonida dhinacyadda kala duwan iyo beesha Caalamka.

Magacaabista guddiga farsamada ee doorashada ayaa timid kaddib markii jahwareer ka dhashay qaabka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu mareynayo mas’uuliyadda loo igmaaday qabashada doorasho loo dhanyahay.

Madaxa Guddiga Farsamada C/qaadir oo loo yaqaano Abdul waxaa ku lamaan AVV Cumar Dhagey oo ah khabiir arrimaha doorashooyinka, ahaana Guddoomiyhii gudigii doorashada ee 2016.

Tallaabadan ayaa hordhac u ah qorshaha kalsooni dhiska saamileyda siyaasadda iyo waliba xoojinta wada shaqeynta beesha caalamka.