RW Rooble oo amar kale dul dhigay wasiirka Maaliyadda, Gudoomiyaha Bankiga iyo Xisaabiyaha Guud

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.

Kulankan ayaa looga hadlay daah furnaanta nidaamka maamulka iyo maaliyadda, joogteynta mushaarka shaqaalaha dowladda, ciidanka iyo kharashaadka wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in lala socodsiiyo hubinta kharash-bixinta iyo lacagta hey’adda IMF qoondada dowladda Federaalka, isla markaana iyadoo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aan la bixin karin lacag.

Dardargelinta la socodka maaliyadeed ee dalka ayaa u muuqda mid Ra’isul Wasaaraha uu kaga hor tagayo in lacagta dowladda loo isticmaalo ololo doorasho islamarkaana Fahad iyo Farmaajo ay u isticmaalaan iney ku soo saartaan Xildhibaano taabacsan.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxey muhiim u tahay in hantida qaranka la ilaaaliyo maadama dowladda Farmajo ay lacag siin jirtay odiyaasha, cayayaanka baraha bulshada iyo dadka warbaahinta ka difaaca.