RW Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garbaahreey iyo culeeska uu kala kulmi doono

Magaalada Garbahaarey waxaa ka dagay wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaa oo ka soo kicya tamay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaa Ra’iiusl Wasaare Rooble safarkiisa ku wehlinayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa waxaa Garoonka Garbahaarey kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kamid ah degmadaas iyo dadweyne farabadan.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dadaajinta arrimaha doorashada iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafkii ka jiray Gobolka Gedo, isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Garbahaarey, Rooble ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda deegaanka iyo Arrimaha dib u heshiisiinta ka bilaabaya halkaas kala hadli doona Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Garbahaarey ayaa kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Maamulka degmadaas isku haaya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka

Ammaanka guud ee Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga degmada iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa ilaalada Ra’iisul Wasaare Rooble