Sababta General odawaa utegay maanta buula burde oo aan xog ka ogaanay

Diyaarad uu la socday Taliyaha ciidamada xoogga Dalka ayaa waxay maanta barqadii ka degtay Magaalada Buula burce Ee Gobolka Hiiraan.

Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxa ku wehlinaya safarkiisa maanta saraakiil katirsan ciidamada Meliteriga Soomaaliya.

Waxaa garoonka diyaaradaha wafdigaasi ku soo dhaweeyay TTaliyaha Qeybta 27 General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) iyo taliyeyaasha qeybta 27aad ee CXD.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa ah daah-furka Taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte dhisme weyna loo sameeyey.

Inta uu kusugan yahay Taliye Odawaa ayaa la kulmi doona Madaxweyne kuxigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Xagar (Daba geed) iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo iyagu shalay gaaray Buula burde.