Safarka Abiy Ahmed Ee maanta Turkiga ku gaaray & Soomaaliya uu rabo inay…

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxa magaalada ankara ee caasimada Turkiga gaaray wafdi uu hogaaminayey R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxtooyada Turkiga ayaa xaqiijisey in wafdigaan ay usocdaan arimo shaqo islamarkaana ay kulmi doonaan Abiy Ahmed iyo madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Si gaar ah looma oga waxyaabaha ay madaxdaan kawada hadli doonaan hayeeshee waxaa la rajeynayaa inay isla soo hadal qaadaan xiriirka Labada Dal sidii loo xoojin lahaa iyo xaaladaha gobolka.

Labo isbuuc ka hor ayuu Erdogan qadka taleefoonka kula hadlay R/wasaare Abiy Ahmed xilligaas ayuuna casuumaad u diray taasi oo maanta safarkiisa Ankara uga bilaabatay maalmo shaqo.

Turkiga ayaa galaan gal weyn ku leh gacan siinta dhinacyo kala duwan oo Itoobiya ka caawiyey qeybna ka tahay Sugida Amniga iyo Xasiloonida dalkaasi.

Abiy Ahmed ayaa doonaya in Turkiga uu kasoo wareejiyo awooda uu ku bixiyey Soomaaliya oo dalkooda inay sidaas oo kale dhaqaale iyo dhismaha ciidamada usameeyo.

Ku darso oo farmaajo iyo Abiy Ayaa ah Saaxiibo dhaw lamana oga hadii dib loo dooran waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu noqon doono xiriirka Soomaaliya la leeyahay.