Salman Khan oo Ra’isalwasaare Modi kala hadlay sharciga Muslim naceybka wata ee Hindiya

Jilaaga caanka ah ee Salmaan Khan ayaa Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya kulan kula qaatay Ra’isalwasaraaha Dalkaasi Narendra Modi.

Jilaaga iyo Ra’isalwasaaraha ayaa waxaa ay ka wadahadleen xeerka uu meel mariyay Baarlamaanka Dalka Hindiya ee dhalashada Hindiya u diidaya dadka Muslimiinta ah.

Xisbiga JPJ ee Ra’isalwasaare Modi ayaa ka gadaal ka riixayay sharcigaas oo dadka aan Muslimka ahayn ee ku nool Pakistan, Bangaladesh iyo Afghanistan u ogolaanaya dhalashada Dalka Hindiya.

Kulanka Modi iyo Salmaan Khan ayaa horudhac u ah kulan ay Qoyska Reer Khaan la qaadan doonaan Ra’isalwasaaraha waxaana kala qeybgelaya jilayaasha kale oo kala ah Aamir Khan, iyo  Shah Rukh Khan.

Ansixinta sharcigaas ayaa dhaliyay banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan Malaayiinta Muslimiinta Hindiya oo ay ku biireen Ururrada xuquuqda aadanaha iyo Ardeyda Waddankaas.