Sawir laga qaaday carruur qoxooti Suuriya u dahsay oo si weyn loo hadal haya

Sawirro laga qaaday carruur Suuriya u dhalatay oo ku sugan xerada qoxootiga ee Urdun ayaa lagu soo bandhigay Birmingham.

Sawir qaade Kate Green, oo fadhigeedu yahay magaalada Birmingham ayaa bishi June booqasha ku tagtay xerada qoxootiga ee Za’tari oo ku taallo dalka Urdun, xeradaasi oo ah xerada qoxootiga labaad ee caalamka ugu weyn.

Sawirrada ayaana lagu soo bandhigay bandhig dhaqaale looga uruurinayey oo ay hormuud ka tahay sanduuqa Martin James si dhaqaala looga uruuriyo dhallinta xerooyinka qoxootiga ku sugan.

“Xaaladdi adkeyd oo aan ku soo arkay halkaasi ma aha mid la qiyaasi karo” ayey tiri Ms Green.

“Haddii aan dooneyno inaan xerada Za’atari ugu yeerno hoy la aqbali karo, waxaan u baahannahay inaan markale fikirno”.

Gabar yar oo qoxooti ah oo sawir iska qaadaysoLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionBandhigga waxaa lagu qabtay xaruunta tareenka New Street oo ku taallo magaalada Birmingham
Gabar qoxooti Suuriyaan ah oo kaameera gacanta ku haysoLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionBandhigga waxaa looga magac daray ‘iftiin’

Sanduuqa Martin James wuxuu sheegay xerada qoxootiga Za’atari iney ku nool yihiin qoxooti ka badan 80,000, laga soo billaabo 2012-kii kala bar dadka ka soo qaxay Suuriya waxay ahaayeen carruur.

Ms Green waxay sheegtay “iney aad ula dhacday farxadda carruurta iyo noolashooda sida ay ugu kalsoon yihiin, iyaga oo wajahayo caqabado aad u badan.

Kate Green iyo gabar yar oo qooxti Suuriyaan ahLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionSawir qaade Kate Green waxaa xerada qoxootiga ku casuumay sanduuqa Martin James
Carruur qoxooti oo Kaameera haysaLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionBandhigga sawirrada waxay furnaanayaan ilaa iyo 18 bisha September
Wiil yar oo qoxooti ahLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionWiil yar oo qoxooti ah

Aasaasaha sanduuqa Martin James Cockburn wuxuu sheegay in loo baahan ahay daryeel maskaxeed muhimna ay tahay “si loo xaqiijiyo carruurta si ay awood ugu yeeshaan oo ay uga gudbaan xaaladda adag noolal cusubna ay u billaabaan.”

“Waxaan dhab ahaan u rajeeynaynaa bulshada qaybaheeda kala duwan iney bandhiggaan booqdaan oo ay taageeradooda nasiiyaan,” ayuu yiri.

Malaayiin shacab ah ayaa ka soo qaxay dagaalladi ka qarxay SuuriyaLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionMalaayiin shacab ah ayaa ka soo qaxay dagaalladi ka qarxay Suuriya
Mid ka mid ah shaqaalaha sanduuqa oo carruur la joogoLahaanshaha sawirkaKATE GREEN
Image captionMid ka mid ah shaqaalaha sanduuqa oo carruur la joogo