(Sawirro) Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Shiinaha

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefdi heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa wefdiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dal lahaayeen mudada dheer.

Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada dal yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Waxaana kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.

kulankan ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan dowlada shiinaha ay ka carootay xiriir diblomaasi oo Somaliland la yeelatay dowlada Taiwan oo shiinuhu aaminsan yahay iney ka tirsan tahay dalkeeda taasoo iyana ah dowlad gooni u goosad ah oo aan aqoonsi ka helin caalamka.

Madaxweyne Biixi ayaa maalmihii la soo dhaafay diidanaa inuu qaabilo danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo booqasho ku jooga Hargeysa, lamana oga in wafdigan shiineska ah ay arrinta Taiwan kala hadleen Madaxweyne Biixi.