Sawirro: Sidey U Dhacday Codeyntii Xilka Looga Qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland?

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiisayaa shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo ay yeesheen xubnaha baarlamaanka maamulkaas iyada oo la hor keenay Mooshin ka dhan ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 53-xildhibaan waxaa cod loogu qaaday Mooshinka Guddoomiyaha baarlamaanka ka yiillay ee guddoomiye ku xigeenku gacanta ku hayay.

49-xildhibaan ayaa gacanta u taagay Mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha waxaana ka aamusay 2-mudane,Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maalin ka hor xiray fadhiga baarlamaanka muddo KMG ah iyada oo lagu balamay in dib la iskugu laabto Isniinta soo socota hase’ahaate kulan waqtigiisa ka soo hormaray ayaa xilkii looga qaaday C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo.