Sawirro:Daacish-ta Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Dagaalyahano Cusub oo Tababar Qaadanaya

Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Dagaalyahano ka tirsan ciidankooda oo Tababar ciidan qaadanaya.

Warbaahinta Daacish ayaa sheegtay in tababarka ciidan uu ka dhacay buuraleyda galgala.

Daacish ayaa Xerada ciidan ee lagu tababarayo dagaalamayaasha cusub u bixisay “Xerada Dawoud Al-Somali” iyagoo ugu magac-daray tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay.

Sawirada ay baahiyeen Daacish ayaa waxay ku sheegtay iney yihiin dagaalyahano cusub oo kamid noqon doonaan kooxda marka uu tababarku u dhamaado.