Sawirro:Duqa Muqdisho oo la kulmay dhiggiisa Duqa magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay dhiggiisa Duqa magaalada Durban Mxolisi Kaunda.

Duqa Muqdisho iyo Duqa magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika ayaa ka wada hadlay sidii la isugu xiri lahaa labada magaalo, isla markaana u dhex mari lahaa xiriir maamul iyo mid bulsho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa Duqa magaalada Durban guddoonsiiyay hadiyado dhaqameed labis ah oo ka turjumaya dhaqanka Soomaalida.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Caalamiga ee Duqa magaalooyinka, waxaana la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirkaas uga hadlo horumarka iyo dib u soo kabashada Caasimadda Muqdisho.