Sawirro:Gudiga Doorashooyinka Soomaaliya & 70 Xisbi Oo Maanta Shir Yeeshay

Xafiiska diwaangaliyaha Xisbiyada ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shir xagga internet-ka ah la yeeshay ku dhawaad 70 xisbi oo kamida Xisbiyada sida ku meel gaarka u ah diwaangashan.

Ka hor inta uu san wadanka saameyn xanuunka safmarka ee COVID-19 kulamada GMDQ iyo xisbiyada kumeel gaarka ah ayaa waxay ahaayeen ku waa caadi u dhaca oo ay dhinacyadu sku imaan jireen.

Diwaangaliyaha Xafiiska Xisbiyada ee GMDQ Maxamed Cumar Axmed Xaydara oo ay wehliyaan agaasimaha Xafiiska diwaangaliyaha Mudane Sandheere iyo lataliye Cali Xareed ayaa la wadaagay xisbiyada halka ay ay marayaan hawlaha Guddiga iyo diyaargarowga ku aaddan doorashada dalka ka dhici doonto dhamaadka sanadkaan aanu ku jirno, sidoo kale diwaangaliyaha ayaa ka hadlay wajiga labaad ee diwaangalinta Xisbiyada kaasoo ah in si rasmi ah loo diwaangaliyo Xisbiyada.

Ugu danbeyn, ka soo qaybgalayaasha shirka ayaa Guddiga ku amaanay sida uu hawlihiisa u wado iyadoo dalka uu ku jiro daruuf adag oo xagga xanuunka Karoonaha ah.