Sawirro:Kulan Albaabada uxirnaa Oo Guuleed & Shariif ku yeeshaan Muqdisho

Gudoomiaha XISBIGA SAHAN ahna Madaxweynihii hore ee GALMUDUG Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kulan isxog wareysi kula qaatay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Shariif Sh Ahmed.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan hanaanka doorashada qaran ee xilagan lagu howl jiro, waxaana ay isku afgarteyn in xaalada dalka maanta aytahay mid isbadal ma hurto ah, iyo in qofkasta uu kaalintiisa ka qaato sidii dalka xaalada uu ku jiro looga badbaadin lahaa.

Shalay ayuu Guled soo gaaray Muqdisho iyadoo durba bilaabay Kulamo siyaasadeed.