SAWIRRO:Xog-hayihii IGAD ee uu magacaabay Abiy Axmed oo xilkii la wareegay

Xog-hayihii uu Urur goboleedka IGAD u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, iyadoo uu jiray muran badan oo magacaabistiisu ay ka dhex dhalisay wadamada ku bahoobay Ururka.

Dr. Workneh Gebeyhu ayaa xilkaas kala wareegay danjire Maxbuub Mucalim, waxaana Workneh xoghayaha Urur goboleedka IGAD loo magacaabay 22-kii bishii October ee sabadkan.

Xoghayaha cusub oo ah Itoobiyaan ayaa waxaa magacaabay Madaxweynaha IGAD Dr. Abiy Axmed, isagoo aan kala tashan madaxda kale ee dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD.

Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo iyagu xarab in xilkani meerto nioqdo ayaa si weyn uga soo hor jeestay magacaabista uu sameeyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.