Senator Xuseen: “Dadka Xuddur iyaga oo lacag badan ka bixinaya Raashinka ayay waayaan”.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada Gole BFS oo Wareysi gaar ah siiyay Mustaqbal Media ayaa ka xog-warramay xaaladda bani aadamnimo ee ka taagan Degmada Xuddur oo muddo 8-sano saaran go’doon horseeday in uusan magaalada tagi Karin Gaadiidka wada badeecooyinka ganacsiga iyo gargaarka.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo deegaan Doorashadiisu tahay Koofur Galbeed waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Bakool ay ka gaabisay Dowladda Federaalka maadaama Ciidamada ku sugan Degmadaas & Askarta Itoobiyaanka ee aan ku howlgelin AMISOM ku guuldareysteen go’doon ka qaadista Xuddur.

Diyaarad ayuu sheegay in lagu qaado raashinka ugu isticmaalka badan, qiimo sare ayaa laga siiyaa halka xiliyada qaar Shacabka ay waayaan cunno ay iibsadaan maadaama dalabka uu go’o, sidoo kale xoolihii loo iib geyn jiray ayuu tilmaamay Senetarka in ay joogsadeen.

“Diyaarado ayaa lagu qaadaa Raashinka, Loor Bariis ah oo Xamar ama Baydhabo laga qaaday oo kiiladii la iibinayo Nus Doollar ($0.5) waxaa laga siiyaa $3, mararka qaar waxa ay waayaan raashinka iyaga oo heysta lacag” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud waxa uu Shacabka Xuddur ugu baaqay in ay wadatashi ka sameeyaan sidii ay uga bixi lahaayeen go’doonka saaran iyo dhibaatooyinka bani aadamnimo ee ka dhalatay.

Mar haddii ay waayeen waxqabadkii ay ka sugayeen Dowladda ee ah in go’doonka ka qaado una furto waddooyinka ka xiran in ay u bannaan tahay wadatashi ay ku go’aan gaaraan si ay xal u helaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dabcan innaga mas’uuliyad uma heysanayo in aan dhahno Shabaab la hadla laakiin kol haddii Dowladda Soomaaliya iyo innaga aan wax u qaban weynay waa doorasho u furan, Magaalada Baydhabo dadkeeda inta la isugu yeeray Shabaab la hadla cid dhahday maleh laakiin dantooda ayaa karsiisay, Xuddur haddi sidaan ay noqoto aniga ma dhahayo ordaha la hadla in ay tashadaan iyaga ayay u taalaa, innaga Xildhibaanno ayaan nahay mana ku hadleyno afka Dowladda balse ka shaqsi ahaan waa in ay tashadaan Dadkaas” Waa sida uu hadalka u dhigay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xuddur tagay 16-kii Janaayo 2021 kadib cabasho ka timid Shacabka Degmadaas waxa uu sheegay in si degdeg ah loo fulinayo howlgallo go’doonka saaran ku dhawaan 10-ka sano ah looga qaadayo.