SHARIIF iyo CC Shakuur oo xalay soo bandhigay runta heshiiskii badda ee Kenya

Waxaa xalay Muqdisho lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen inta badan siyaasiyiinta reer Muqdisho oo ay ugu horeeyaan golaha midowga musharaxiinta, waxaana kulankaas lagu soo dhaweynayey go’aankii ay maxkamadda ICJ ka qaadatay kiiska badda ay sanadihii lasoo dhaafay isku heysteen Soomaaliya iyo Kenya, waxaana kulanka khudbado ka jeediyey siyaasiyiin u badan xubnaha midowga musharaxiinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mudo dheer lagu eedeynayey saxiixa heshiis la xariira badda ayaa ka mid ahaa xubnaha ka hadlay goobta, waxuuna sharaxay nooca uu ahaa heshiiska ay xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Sheekh Shariif ay Kenya la saxiixatay, kaas oo sida uu sheegay badbaado u noqday badda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay inuu Qaramada Midoobey ka diiwaan geliyey EAZ-ka Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya lagu xujeyn jiray markii ay ka dacwooto kalluumeysiga sharci darrada ah.

Cabdiraxmaan oo tusaale u soo qaatay qiso ku dhacday Caaisha RAC ayaa sheegay in aduunka wax been abuurka ka xun aysan jirin, “Waliba waxaa ka sii daray markii lagu been abuurto ee aad weyso qof ku dhaha war waxaas ninkaan kama suurtoobaan ee ka leexda,” ayuu yiri CC Shakuur oo u muuqday inay kuleyl badan ku heysay in dad badan ay ka dhaadhacsaneed inuu badda gatay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo goobtaas ku raali geliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Wiilkeyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur raali ha iga noqdo, sababtoo ah waxaan ku jiray dadkii qabay inuu galay heshiis uusan shaqo ku laheyn oo badda lagu iibsaday, baarlamaankii aan xilligaas ku jiray ee 8-aadna waxaan qabaa inuu sameeyey hal arrin uu aad u fiicneed, go’aan waxaan qaadanay aan u bixinay ‘dhaxal dhowr’ kaas oo dhigayey ilaa inta dowlad Soomaaliyeed ay ka imaaneyso in bad iyo biri aan laga wadahadli karin dhulka Soomaaliyeed.”

Cabdi Xaashi oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Caawa laba dareen ayaan qabaa, kan koowaad waa dareen farxadeed oo ku aadan xukunka maxkamadda, waxay ICJ cadeysay oo noo ogolaatay waixii aan xaqa u laheyn, dareenkeyga labaad waxa uu yahay, waxaad moodaa 1947-kii halkii aan joognay inaan caawa taaganahay, goortaas oo aheyd xilli ay Soomaaliya isku heysteen dalal awood badan, marka waxaan is leeyahay amay maanta u egtahay sidii berigaas oo gumeysi la idin geliyaa? Taasna waxaa noogu wacan inaan ku guuldarysanay inaan dadkeena isku keeno oo mideyno.”

Dhankiisa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dalka xukumayey markii uu soo bilaawday muranka galabta lasoo afjaray ee badda ayaa ka hadlay goobtaas, isagoo ku adkeystay in heshiiska la sheegayo inay galeen Kenya iyo xukuumadiisii uu hoggaaminayey Cumar Cabdirashiid uusan waxaba ka ogeyn.

“Xilligii murankaan soo bilaawday xaalka ayaa nagu adkaa oo Muqdisho lix degmo kaliya ayaa gacanteena ku jirtay, waxaana dowladda Kenya u sheegay in arrimaha badda aana kala hadli karin, kadib waxaa dadaallo bilaabay dowladda Norway iyo UN-ka.”

“Xukuumadeydii waxaa lagu qanciyey inay lagama maarmaan tahay in anaga iyo Kenya aan badda wax iska dhahno Cumar Cabdirashiid oo xukuumadda hoggaaminaayey iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa ayaa go’aanka qaatay. Aniga la ilama soo socodsiin arrintaas, subaxdii heshiiskaas la saxiixaayey waxaa isoo wacay Cabdiraxmaan oo iguyiri madaxweynow waxaa la rabaa in heshiiskaas la saxiixo ee maxay kula tahay? Waxaan iri Ra’iisul wasaaraha warkiisa yeel, waxii Alle naga siiyaba,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxuu intaas ku sii daray, “Intaas kadib waxaan wacay r/wasaare Cumar waxaana dhahay maxaa arrintaan iiga qarisay? Waxuuna iigu jawaabay waxaan moodayey inaad ogtahay, oo halkaan ka ogahay? Wixii markaas ka dambeysay qeylo dhaan ayaa is qabsatay, waxaana magaalada gashay in badii la gatay, waxay noqotay in Cumar iyo Cabdiraxmaan aan ka shakiyo, seddaxdeenu weligeen iskama aanaa warsan arrintaas, nin kasta ninka kale markii uu arko waa ka sii jeesa jiray, marka Ilaahaa mahad leh oo hadda naga xoreeyey kiiskaas.”