Shirkii Murashaxiinta Uga Socday Muqdisho Oo Soo Dhamaaday Laakiin Wel…

Shirkii Murashaxiinta Madaxweyne uga socday Muqdisho ayaa waxa uu galabta soo gaba gaboobay shan maalin uu socday.

Berri gelinka hore ayaa la sheegay in lasoo gudbin doono War murtiyeed lagu soo koobayo go’aanada Mucaaradka.

Afhayeenka Murashaxiinta ku shiray Muqdisho Ridwaan Xersi Maxamed ayaa sheegay in caawa la qori doono War murtiyeedkaasi.

Waxaa filayaa in qodobada ugu badan ee la sugayo noqdaan in Villa Soomaaliya joojiso awood muquuninta Doorashada.

Sidoo kale waxay Murashaxiinta dalban doonaan in la kala diro Guddiga Doorashooyinka Ee Xukuumada magacowday kuwo cusubna la magacaabo oo aan aheyn Askar iyo Shaqaale dawladeed.