Sida loola dhaqmo “dadka xadgudubka iyo xumaanta badan” ee baraha bulshada

Dadka caanka ah waa in ay iska indha tiraan, ayna xannibaan dadka “xumaanta iyo gefka” ku baahiya baraha bulshada ee ku xadgudba dadka kale. Haddii sidaas la sameeyo farriintooda ma sii baaheyso, sida ay sheegeen koox la dagaallanta naceybka.

Xiddigaha caanka ah ee ay ka mid yihiin Gary Lineker iyo gabadha majaajiliistaha ah ee Aisling Bea, waxay taageerayaan farsamo cusub oo ah sida looga hortago xadgudubka.

Warbixin ay soo saartay Xarunta ka Hortagga naceybta Internet-ka ayaa lagu sheegay in dadka xun ay ujeedadoodu tahay “in ay abuuraan xanaaq badan” ayna faafiyaan “macluumaad aan sax ahayn” iyagoo la eeganaya dadka caanka ah.

Waxay warbixinta ku talineysaa in la iska xiro farriimaha ku ogeysiinaya in wax laguu soo diray, iyo in aad sameysato waqti aad baraha bulshada ka nasato.

Warbixinta xarunta la dagaallanka Naceybka ee CCDH, waxaa diiradda si gaar ah loogu saaray xumaanta arrimaha siyaasadda ee ku saleysan fikradaha xagjirka ah ee”sida wayn u kala duwan”.

Rachel Riley oo ah weriye waxay sheegtay in ay iska indha tirto xadgudubka dadka noocaas ah ee ku caaya in ay tahay dumar ama taageero kubadda cagta ah “sababtoo ah waan ogahay, dadka noocaas ah waxay raadinayaan in la ogaado waxa ay sameynayaa”.

“Waxay raadinayaan shacbiyad. Waxayna si toos ah u abaarayaan dadka caanka ah si ay u helaan saaxiibbo cusub oo halkaas ka soo raaca oo akhriyo xumaantooda”, ayey Rachel u sheegtay Barnaamijka the Victoria Derbyshire.

CCDH waa urur aqoonyahanno cusub oo doonaya “in ay xal waara u helaan” waxyaabaha sii kordhaya “ee la xiriira isticmaalka jinsiyad iyo diin, naceyb iyo qaababka kale ee ku saleysan naceybka qof ahaaneed si bulsho oo dhan loo ceebeysto iyo liididda dimuquraadiyadda.”

A man in a mask behind a laptopLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDadka xun ee internet-ka waxay aalaaba u howlgalaan si qarsoodi ah

“Kuwa arrimaha siyaasadda ka hadla waa xirfadlayaal ay ka go’antahay faafinta dacaayadaha,” ayey tiri CCDH.

Ujeedadooda ugu wayn waa in jawaab ay ka helaan qof caan ah oo dad badan ay ku xiran yihiin, sida lagu ogaaday cilmi-baarista.

line

Maxay yihiin dadkaas?

Fikradda ah qofka xun “sida inuu yahay qof dhallinyaro ah oo si baashaal ah u diraya farriimo xunxun isagoo adeegsanaya laptop u yaalla qolka jiifka – taas waa run kala dhiman”, ayaa lagu xusay warbixinta.

Waa dad isku sheega sida kuwa aaminsan in “waxba aan si dhab ah loo qaadan” iyo “in ay kala dhantaalaan sheekooyiinka nacasnimada ah ee internet-ka” sida “lulz””, waxaa sidaa qortay Whitney Phillips.

Waxay sheegtay in dadka noocaas ah ay farxad iyo dhoollacadeyn ka helaan, xanaaqa iyo carada dadka kale.

line
A woman looking at abusive messages on her computerLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionIt’s a natural response to want to defend yourself, but the reports suggests that is counter-productive

Ha quudin dadka xun ee internet-ka

Warbixinta waxaa lagu sheegay in si kooxo ah oo abaabulan ay u howlgalaan dadkaas si ay “meel keli ah ugu helaan” ayna “xadgudub aan loo kala harin ugu geystaan” qof caan ah, si ay jawaab uun ay uga helaan.

“Waa muhiim in aad xasuusato in dadka dacaayadahaas faafiya aysan rabin dood daacadnimo ah,” ayey dheheen qoraayada warbixinta ee kala ah Cimraan Axmed iyo Dr Linda Papadopoulos.

Taas waxay ku micneeyeen in aad iska difaacdo xadgudubka baraha bulshada in ay tahay “shirqool”.

“Xaqiiqdii, dadkaas xun waxay ciyaarayaan game aan la fahmi karin. ma doonayaan in ay ‘ku guuleystaan’ ama ‘guuldaro kala kulmaan’ doodda; waxa keli ah ee ay doonayaan waa in fikradohooda la maqlo ayna dad badan ka bedelaan waxa ay aaminsan yihiin, haddii ay suuragal u noqoto.”

A sign warning to "not feed the trolls"Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionResponding to abuse can “amplify” hateful ideologies

Waa sababta talada ugu horeysa ay u tahay ‘iska indha tir ama ha u jawaabin dadkaas’.

Maxaad sameyn kartaa?

1. Ku adkeyso in aadan u jawaabin

2. Si degdeg ah u xannib (Block)

3. Farriimaha ku soo dhacaya telefoonkaaga iska xir

4. Ha soo qorin in lagu soo weeraray

5. Ka naso baraha bulshada – wax kale isku mashquuli oo naftaada u naxariiso

Haddii talooyiinkaas ay shaqeyn wayaan, waxyaabah kale ee aad sameyn karto waxaa ka mid ah, sawir ka qaad farriimaha xadgudubka ah ama meel ka dhaca ah ee rabsho dhiiragelinaya, kuna wargeli barta bulshada ama booliska, garabna weydiiso ururada la dagaalama naceybka.

Sidoo kale warbaahinta waxaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan sii baahinta #hashtag-yada naceybka ku saleysan ee ay billaabeen dadka “xumaha ku faafiya” internet-ka.