Sida warbixinta Mareykanka ay ula dagtay sumcadda Maxamed Bin Salmaan

Dilka Jamaal Khashuqji waxay noqotay dharbaaxo ku dhacday heybaddii, sharaftii, iyo sumcaddii uu caalamka ku lahaa dhaxal-suagaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu awoodda badan Bariga dhexe.

Tallaabadani ayaa saameyn xooggan ku yeelan doonta calaaqaadkii uu Sacuudiga Carabga uu la lahaa waddamada reer galbeedka.

Haatan, xogaha soo bxaya ee ku saabsan dhaxal sugaha iyo doorki uu ku lahaa dilkii 2018-kii loo geystay wariye jamaal Khashouqji waxay dhibaata ku noqoneysaa hoggaanka reer galbeedka iney xiriir toos ah ay shaqsi ahaan ula yeeshaan.

Si kastaba ha noqotee, xaaladda hadda taagan, dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxammed Bin Salman wuxuu umuuqdaa inuu yahay awoodda ugu weyn oo sanadihi ugu dambeeyey ay ka go’do talada Boqortooyada Sacuudiga.

Maxamed Bin Salmaan oo ay da’diisu tahay 35 jir wuxuu ku raaxeystaa sumcadda ballaadhan uu boqortooyada sacuudiga dhexdeeda uu ku leeyahay, gaar ahaanna dhlinyarada dalkaasi.

Waxaana sida oo kale lagu yaqaannaa xayiraadaha arrimaha madaniga uu ku soo rogay shacabka dalkaasi balse in dhaleeceyn loo soo jeddiyo dhaxal-suagaha ay tahay mid aan suuragal ahayn oo dhif iyo naadir.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay arrimaha taagan inuu doonayo inuu kala xaajoodo Boqorka Sacuudiga ee Salmaan balse wiilkiisa dhaxalsugaha ah Maxamed Bin Salmaan uusan kala hadleyn, balse marka la firiyo xiriirka aadka u dhow ee u dhaxeeya boqorka iyo wiilkiisa ayaa laga cabsi qabaa iney taa micna badan u yeeli weydo.

Boqor Salaamaan bin Cabdulaziiz oo 85 jir ah oo ay xaaladdiisa caafimaad ay aadka u liidata, ayaa billaabay awoodihiisa boqornimo ee ugu badan inuu ku wareejiyo wiilkiisa.

Laamaha sirdoonka ee waddamada reer galbeedka badankood dilka Khashuqji waxay la xiriirinayeen amiirka dhaxalsugaha, balse CIA ayaa noqotay laanta sirdoonka ee ugu horreysay oo arrinkaasi si rasmi ah u shaacisay.

Gina Haspel oo tani iyo 2018-kii ilaa iyo horraantii sanadkan madax ka ahayd CIA oo safar ku tagtay caasimadda Turkiga ee Ankara, waxay dhageysatay codadka laga duubay Khashuqji xilliga qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilayey.

.

Xaalad kasta oo saameysa xiriirka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyey Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya waxay hadiyad u noqoneysaa dalka Iran oo khilaaf siyaasadeed oo taariikhi ah uu labadaasi dal kala dhaxeeyo.

Hadalka ka soo yeeray Biden ee ahaa inuu hakinayo heshiiska Mareykanka uu hubka uga iibinayey Sacuudi Carabiya sida uu madaxweynaha u sheegay haddii ay dhacdo waxay keeneysaa iney Riyadh ay ka fiirsato dagaalka xulafada Sacuudiga hoggaamineyso ay ka wadaan dalka Yemen.

Waxayna taasi fursad u abuureysaa xoogagga xuutiyiinta ee Iran gacan saarka la leh iney isku sii ballaadhiyaan aagag dagaal oo cusub maadaamaa ay ogyihiin haddii uu Mareykanka heshiiska hubka uu hakiyo iney awoodda Sacuudiga Hoos u dhaceyso.

Maamulka Biden wuxuu iisu diyaarinayaa inuu si rasmi ah uu u shaaciyo xog sir ah oo ku saabsan dilkii loo geystay wariye Jamaal Khashuqji.

Maxaa ku qoran warbixinta la shaaciyay?

“Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxal sugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Warbixinta waxa ay taxday saddex sababood oo ay rumaysantahay in amiirka dhaxalsugaha ah ay qasab tahay inuu ansixiyay howlgalka:

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas’uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji. Hasayeeshee warbixintu waxa ay leedahay “ma ogin mudada ay qorshaynta ku qaateen” dadkii ku lugta lahaa inay ninkaasi waxyeeleeyaan.

Composite picture of President Biden and King Salman
Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid “howlgal damiirka ka fog” oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay “inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay” ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay “mid cadaaladda lagu hareermaray”.

Arrintan maxay uga dhigan tahay xiriirka Mareykanka iyo Sucuudiga?

Tan iyo 2018, CIA ayaa la sheegayay inay rumaysan tahay in amiirka dhaxalsugaha ah uu amray dilka hasayeeshee eedaha ah inuu ku lug lahaa ayaanay shaacin saraakiisha Mareykanka illaa waqtiga laga soo gaaro.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waxaa la filayaa inuu tallaabo ka adag middii uu qaadi jiray ninkii uu xilka kala wareegay Donald Trump ee dhanka xuquuqul insaanka iyo qaanuunka ee waddanka Sucuudi Carabiya, kaas oo ah xulafo muhiim ah oo uu Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.

Donald Trump iyo Maxamed Bin Salmaan

Khamiistii mar uu taleefanka kula hadlay amiirka dhaxalsugaha ah aabihii, Boqor Salmaan, ayuu madaxweyne Biden waxa uu “u xaqiijiyay ahmiyadda uu Mareykanka siiyo xuquuqda aadaha ee caalamka iyo sharcigaba”, Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay.

Sida laga soo xigtay ila wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, maamulka Biden ayaa waxa uu ka baaraandagayaa inuu kansalo heshiis dhanka hubka ah oo Sucuudiga lala galay kaas oo walaac dhanka xuquuqda aadanaha keeni kara iyo weliba in mustaqbalka la xaddido hubka milateriga ee “daafaca” loogaga iibiyo dalkaas.