Sidee ayaa loogu soo halgamay Xorriyadda Dalka? 60-sano kadib sidee ayay wax u socdaan?

Maanta oo ah 1-da Luuliyo 2020, 60-sano ayaa laga joogaa kolkii Xornimada Soomaaliya ay ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingisiirka ahna xiligii ay israaceen Gobolada Waqooyi iyo Koofurta.

26-ka June 1960-kii ayay Madax banaani qaateen Gobolada Waqooyi oo uu isticmaarsanayay Ingiriiska oo waqti fog ku sugnaa, afar cisho kadib waqtigaas waxaa xornimo qaatay Koofurta oo iyanna ku hoos jirtay gacanta Talyaaniga.

1-da Luuliyo waxa ay kulansatay labo munaasabad oo kala ah, Madax banaanida Koofurta dalka iyo israaca Waqooyiga iyo Koofurta oo halkaas waxaa ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

60-sano kahor, side wax u socdeen?

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah waaya joogga iyo xog ogaalka dhacdooyinkii dalkaan soo maray ayaa warbaahinta

la wadaagay keydka Xusuustiisa, tallaabooyinkii gumeystaha, dadaalka Soomaalida iyo xaalka maanta halka uu marayo.

Waxa uu ka sheekeeyay sida xorriyadda loo siiyey Gobolada Koofureed, Waqooyiga iyo ujeedka Rag iyo dumar wixii xiligaas noolaa oo u hiinoolaa iska tuurka heeryadii Gumeystayaasha dalka heystay.

Halgankii Gobollada Koofureed

Dhanka Koofurta waxa uu tilmaamay in ay dirsadeen Cabdullaahi Ciise Maxamud Balse kaligiis uu ku filnaan waaye, waxaana uu kaashaday labo nin oo Reer Waqooyi ah oo heystay Kaatooliga.

“Inkasta oo uu Ingiriiska yaqaanay Halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud waa uu ku filnaan waayay dadaalka uu waday, waxa uu kaashaday labo nin oo Soomaali Kaatoolig ah kana soo jeeda Gobollada Waqooyi oo ah Qareenno garabsiiyay, midna waxaa la dhihi jiray Alex Salol iyo Micheal Maryama” ayuu yiri Janaral Galaal.

Qaabka ay garabka u siiyeen Cabdullaahi Ciise waxa uu ku sheegay in Alex Salool uu ku sugnaa Magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaana uu garab ka helayay Micheal oo la taliye qareen ah ahaa.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa hadana Soomaaliya waxaa ay loolan adag oo dagaal ah xiligaas kala kulmeysay Gumeystihii Talyaaniga ee Koofurta heystay oo Garab ka helaya Dowladda Itoobiya oo damac kale ku jiray.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Itoobiya ee Xiligaas balse markii dambe Noqday Ra’iisul wasaare Ninka lagu magacaabo Aklilu Habte-Wold ayaa ahaa Xubintii Itoobiya matalaad ahaan u qaabilsanaa, waxa uu ku baaqay in Guud ahaan Soomaaliya lagu daro Itoobiya, Talyaanigana uu isaga baxo dhulka uu ka joogo.

“Waxaa loolan iyo dagaal xooggan kula jiray Soomaaliya dalka Itoobiya oo damac gaar ah kana fog kan gumeystihii wadatay, Talyaaniga ayaa ku doodayay in aysan Soomaaliya diyaar ahayn oo dib loogu celiyo, halka Itoobiyaanka uu lahaa in lagu biiriyo oo lagu daro dhulka Itoobiya, halka Ingiriiska uu markii uu boos ka waayay uu bilaabay in talyaaniga uu taageero” ayuu yiri Gen. Maxamed Nuur Galaal.

Doodda ugu adag ee Talyaaniga waxa uu sheegay in uu shukaanta u hayay Wasiirkii Hore ee Arrimaha dibadda ee dalkaas Conte Isfoorso, hamigiisa ugu weyn waxa uu ahaa dib ugu soo laabashada Soomaaliya kahor inta aan lagu dhawaaqin madax banaanida la siiyay.

Gen. Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in marka ay sheeko halkaas mareyso, in Cabdullaahi Ciise Maxamuud uu jeediyay Khudbad qalqal ku dareemeen wadamadii ku muransanaa Warbaahinta Soomaaliya.

Gumeystihii Talyaaniga ayaa ugu dambeyn Xorryadii siiyay Golada Koofureed ee dalka markaas waxaa durba Midoobay Labada Daraf ee Waqooyiga iyo Koofurta, Calanka Soomaaliya ayaa markaas laga taagay Magaalada Hargeysa oo ah halkii uu ka dul babaday.

60-sano kadib, Gen Maxamed Galaal Waxaa uu rajo xumo ka muujiyey in dadka waqooyi ay u ol-oleeyaan in ay Goostaan Balse barisamaadkii ay ahaayaan Dadkii u Dagaalamay Mideynta Shanta Soomaali.

Galaal oo Wareysigaan uu siiyay Mustaqbal kaga xog-warramay keydka Taariikhda Halgankii loosoo galay Madax banaanida dalka iyo 60-sano gudahood dhacdooyinkii waaweynaa ee laga diiwaangeliyay dalka.

60-sano kadib, Soomaalida Maxaa xal u ah?